Himilo – Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Citizens-ka ay isku dayi doonto inay lasoo saxiixato weeraryahan cusub.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ma aysan saxiixin bedelka Sergio Aguero dhamaadkii xilli ciyaareedka 2020-21, waxaana ay adeegsatay ciyaaryahano badan booska 9-aad.
Guardiola ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay afar jeer isku dayday kuna guuldareysatay inay Harry Kane ka soo iibiso Tottenham Hotspur.
City ayaa la filayaa inay ka mid noqoto dhawr kooxood oo ku dagaalamaya saxiixa Erling Braut Haaland xagaaga, iyadoo xiddiga Borussia Dortmund lagu xamanayo in 67 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa haatan.