Home / Macluumaad / Qareenno Ingiriis ah oo dawladooda ka dalbaday inay cunaqabatayn saarto Israa’iil

Qareenno Ingiriis ah oo dawladooda ka dalbaday inay cunaqabatayn saarto Israa’iil

Himilo – In ka badan 800 qareen, garsoorayaal hore iyo khubaro sharci ayaa si wadajir ah u saxiixay warqad furan oo ay ku dalbanayaan in dowladda UK ay cunaqabatayn saarto mas’uuliyiinta Israa’iil ee lagu eedeeyay ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee marinka Gaza.

Warqadda oo ay saxiixeen 823 qareen iyo khabiir sharci, oo ay ku jiraan 11 garsoore hore, ayaa ku baaqaysa in dowladda Britain ay qaaddo tallaabooyin muuqda, oo ay ka mid yihiin xayiraad dhaqaale iyo mid socdaal, laguna soo rogo wasiirro iyo saraakiil ciidan oo Israa’iili ah oo lagu tuhunsan yahay falal sharci darro ah.

Sidoo kale, waxay warqaddu ugu baaqaysaa UK in ay dib u eegto xiriirka ganacsi ee ay la leedahay Israa’iil, isla markaana si cad ugu ballanqaaddo in ay fulinayso waajibaadkeeda sharciga ah haddii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay soo saarto warran qabasho la xiriira dambiyada dagaal ee laga gaystay dhulka Falastiin.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xeer-ilaaliyaha ICC uu dhawaan shaaciyay inuu raadinayo warran qabasho oo ka dhan ah hogaamiyayaal Israa’iili ah iyo kuwa Xamaas, kuwaas oo lagu eedeeyay dembiyo dagaal.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan