Home / Habka-Nolosha / Qoyska shabeelada xannaaneeya

Qoyska shabeelada xannaaneeya

Himilo – Ary Borges iyo qoyskiisu kaliya lama noola hal shabeel bal se toddobo shabeel. Isaga iyo saddexdiisa gabdho Deusanaria, uyara iyo Nayara waxay la cunaan lana dabashaan bisadaha waaweyn. Tiiyoo uusan wax qibrad ah u lahayn qaabka nololeedka SHabeelka, Ary wuxuu laba shabeel oo waaweyn kala yimid duurka 8 sano kahor iyaga oo xaalad xun ku sugan  Wuxuu go’aansaday inuu u dhiso gabaad kuna soo dhaweeyo reerkiisa.

Waligay kama aanan warwarin sida gabdhahaygu ula dhinac noolaan karaan shabeellada waa inaad noolaha u muujisaa qaddarin  iyo jaceyl. Waxayna ku siinayaan abaal u dhigma intaas  Waxyar kama soo wareegan markii Gabdahiisa Uyara ay bilowday inay quudiso; xanaaneyso horjoogna u noqo.

Taniyo goortii ay dhasheen ayaanu daryeeli jirnay shabeellada la jirkoodu markaas wuxuu iska noqday wax iska caadi ah  20 jirta Nyara waxay xiriir adag oo fadhiya la yeelatay mid kamid ah shabeellada oo ay si joogto ah ula dabaalato.

Brakad ayaan galaa si aan ula dabaasho toddobaadkiiba saddex jeer oo aan u tabbaro wayo wuu yara culus yahay. inta badan hadda waa dhif iyo naadir inuu kaligiis iska dabaasho la’aantay.

Balse qoyska oo dhami lama dhacsana xiriirka lala yeeshay dugaagtan micida waaweyn. Rafaail oo ah seyga Uyara aad buu uga baqaa shabeellada.

Waxay ila tahay in xiriirka ay la leedahay dugaagta uu halis badan yahay. Go’aanka Uyara ay gabadheeda ugu ogolaatay inay saarto dusha shabeelka ma ahan mid laga siman yahay

Aragtidayda waxaan doorbidi lahaa in laga yara durgo halista ay leeyihiin dugaagtan oo ugu yaraan xattaa foojignaan dheeraad ah loo yeesho. Waan doorbidi lahaa sidayda oo kale inaysan la faltamin noolahan ay si caadi ah ula dhaqmayaan.

Ary wuxuu hadda qorsheynayaa in xero weyn uu u sameeeyo shabeellada si ay xurnimo ugu gaafmeeraan

Laaakiin inta laga gaaro maalinkaas, Ary iyo qoyskiisa waxaa ka go’an inay xiriir dhumuc adag la yeeshaan shabeellada – micno malahan sida la iskugu maandhaafay dhaqankoodaas qariibka ah.

Shaqo adag inaan heyno ayaan aaminsan nahay oo aan ku caawinaynayo noolahan wixii alle qora unbaana nagu dhici doona

 

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan