Himilo – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ajax Ryan Gravenberch ayaa u xaqiijiyay kooxda inuusan si lacag la’aan ah uga tagi doonin xilli lala xiriirinayay Real Madrid iyo Bayern Munich.
Laacibka heerka caalami ee ree Holland ayaa kooxo badan soo jiitay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, qandaraaskiisa waxaa ka haray 18 bilood oo kaliya, wuxuu xor u noqon doonaa inuu heshiis hordhac ah la galo kooxaha kale bilowga sanadka soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Goal, wuxuu wacad ku maray inuusan kooxda ka tagi doonin iyadoo aysan kooxdu helin wax lacag ah, iyadoo ay jiraan warar xan ah oo la xiriirinaya qaar ka mid ah kooxaha ugu sareeya Yurub.
Gravenberch ayaa 91 kulan u saftay kooxda Amsterdam ka dhisan, isagoo u soo dhaliyay 10 gool, 11 kalena caawiyey, wuxuu u qaaday laba koob oo Eredivisie ah, halka uu sidoo kale 10 jeer u soo baxay qaranka.