Home / Macluumaad / Sawirrada been abuurka ah ee dhalinyarada ku dhiiri-geliya inay tahriibaan

Sawirrada been abuurka ah ee dhalinyarada ku dhiiri-geliya inay tahriibaan

Himilo – Da’da dhalinyaranimadu waa xilliga qofku uu ka gudbayo carruurnimada uuna u talaabayo da’da qaan-gaarka. Da’du waa habka kaliya ee lagu qeexi karo heerarka qofku uu maro.

Dhalinyaro ka sokow inay yihiin laf dhabarta bulshada hadana waa hoggaamiyaasha berri, kuwaas oo hoggaan u noqonaya dalkooda si uu hormar iyo tartan ulla sameeyo dalalka kale.

Lee Kuan Yew oo lagu tilmaamo in uu yahay aabihii hormarka Singapore waxa uu ku tilmaamay hormarka shacab in uu ku xiran-yahay in meel layska dhigo musuq-maasuq, maskaxda dhalintano la shiilo si wax soosaarku uu u laba jibbaarmo.

Dalalka ay dhalintoodu hormarka gaarsiiyeen Singapore kaliya mahan ee waxaa jira dalalka oo dhalintoodu ay xaqiiqada taabteen oo dalkooda ay wax u qabteen sida Turkiga iyo Botswana.

Soomaaliya, dhalinyaradu waxay wajahayaan caqabado aad u tiro badan oo ka dhashay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 1991-kii,  70% maheystaan goob ay ku soo bandhigaan awoodahooda halka qaar badan oo ka mid ahna aysan nasiib u yeelan inay waxbartaan sabab laxariirta dhaqaale la’aan, caqabadahaas waxay dhalinyarada ku qasbeen inay raadiyaan meelo kale oo ay ka heli karaan fursado.

Carruur ay wehliyaan walidkood ayaa dalalka deriska ah u cararay halka qaarkalane ay aadeen dalal fog-fog, waxayna halkaa ka heleen fursado waxbarasho iyo mid shaqo waxay heleen mushaar ku filan, taas oo suuragalisay inay lacago u soodiraan ehelkoodii ay dalka ugu tageen.

Dalka Libya waa waddada ugu weyn oo ay maraan tahriibayaasha si ay u gaaraan Europe, dhalin badan  ayaana halis galiya naftooda iyagoo raacaya doomo baco laga sameeyey. Sanad waliba tobanaan kun oo dhalinyaro soomaaliyeed ayaa gala safarkaas qatarta badan iyagoo rajeynaya inay galayaan nolol wanaagsan

Inkastoo xaqiiqada dhabta ah ee taalla dalka ay dhalinta ku qasbeyso inay tahriibaan hadana dhanka kale waxaa jira sawirro been abuur ah oo dhalinyarada ku qasba inay tahriibaan. Waxaa jira saaxiibo badan oo sawirro ay ku galaan meelo qurxoon u soodira saaxibadooda dalka ku sugan, taas oo ku dhiiri galineysa inay tahriibaan.

Waxaan xasuustaa mid ka mid ah saaxibadey oo galay safarkaas halista badan, dhowr mar naftiisa ay Qatar gashay, dalalka Turkiga iyo Giriigga lagu xiray dhowr mar, labo mar laga soo qabtay badda isku xirta Giriigga iyo Turkiga balse ugu dambeyntii nasiib wanaag ka gudbay qatartaas kadibna galay dalka Jarmal-ka.

Laba bilood waxaan dhameyn markii uu Jermal-ka joogay, waxa uu iisoo diray sawirkiisa isagoo ay ka dambeeyaan dhowr dabaq oo dhaadheer, waxa uuna ii soo raaciyey ninka Jarmal-ka leh (oo isaga uu iska waddo).

Waxaan aad ula fajacay saaxiibkey hadalkiisa waxa aana isweydiiyey, imisa qof oo saaxiibadiis ka mid ah ayuu hadalkiisa saameyn karaa, waana middaas tan igu kaliftay in aan qoro maqaalkan.

Hadalada noocan oo kale ah waxay dowr weyn ka qaadan karaan inay dhalinto galaan safar halis badan.  Ugu dambeyn, tahriibku waa dhibaato weyn oo heysata dhalinyarada Africa, waa arin u baahan xal weyn.

Waxaa waajib ku ah dhalinta Soomaaliyeed inay joogaan dalkooda oo qeyb weyn ay ka qaataan dib u dhiska dalka iyo dhowladnimada halkii ay qaxooti ku noqon lahaayeen dal aysan laheyn. Horaantii sagaashamaadkii dalalka bariga dhexe waxay ahaayeen faqri balse hadda waan aragnaa saameynta dhaqaale oo ay caalam-ka ku leeyihiin.

Qore: Cali Hillowle

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan