Himilo – Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa ogolaaday inuu ku biiro Barcelona heshiis labo sano ah xagaagan.
Xiddiga reer Argentine ee 10-ka sano ku sugnaa Etihad Stadium ayaa soo afjari doona marka uu heshiiskiisu dhamaado dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana si joogto ah loola xiriirinayay u dhaqaaqista Catalonia.
Tiro ka mid ah kooxaha Premier League ayaa sidoo kale lagu xamanayaa inay isha ku hayaan xaaladda Aguero, laakiin weeraryahanka ayaa laga yaabaa inuu ka caga jiidayo inuu u saxiixo koox si toos ah ula tartanta City.
Haatan, Beteve ayaa ku warramaysa in Aguero uu go’aansaday inuu mustaqbalkiisa ku jiheeyo Catalonia, waxaana uu gacan qaaday heshiis laba sano ah oo uu kula joogayo kooxda illaa xagaaga 2023.
Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in laacibkii hore ee Atletico Madrid uu qaadan doono mushaar aad u fara badan si uu ugu ciyaaro kooxda Barcelona isagoo ka garab ciyaaraya ninka ay dhalashada wadaagaan ee Lionel Messi, iyadoo Aguero uu jeebka ku shuban doono £ 4.4m sanadkii marka loo eego £ 12m oo uu ka qaato Man City.
Weeraryahanka dhaawacan ayaa kaliya dhaliyay afar gool inta lagu guda jiray xilli ciyaareedka xumaa ee 2020-21, laakiin Pep Guardiola wuxuu ku rajo weyn yahay inuu ka soo laaban karo dhibaato soo food saartay ka hor inta uusan ololahu dhammaan.
Radio Himilo
