Home / Cayaaro / Shirkado Sacuudigaan ah oo soo galay tartanka Chelsea

Shirkado Sacuudigaan ah oo soo galay tartanka Chelsea

Himilo – Midowga shirkado  Sacuudiyaan ah ayaa la sheegay inay noqdeen dadkii ugu dambeeyay ee loo diiwaan geliyay  iibsashada Chelsea.

Roman Abramovich oo iibinaya kooxda ka dhisan Galbeedka London, ayaa la sheegay inuu helay ilaa 10 dalab oo lagu doonayo kooxda Blues.

Sida laga soo xigtay Goal, isbahaysi gaar ah oo Sacuudi Carabiya ah ayaa shaaciyay usbuucan dhamaadkiisa inay ka fikirayaan dalabkooda Chelsea.

Warbaahinta Sucuudiga ayaa la sheegay inay gudbiyeen dalab ay ku doonayaan inay ka dhigaan mid laga leeyahay waddanka Sacuudiga.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan