Home / Habka-Nolosha / Sidee ayay dhallinyaro madaxweynaha Madagascar ugu qasbeen inuu kala diro dawladdiisa?

Sidee ayay dhallinyaro madaxweynaha Madagascar ugu qasbeen inuu kala diro dawladdiisa?

Madaxweynaha Madagascar ayaa sheegay inuu kala diray dawladdi dalka kaddib dibad-baxyo ay hoggaaminayeen dhallinyaro ka biyo diidsanaa adeegyada xukuumadda.

Mudaharaadyada waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 kale sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dibax-baxyada ayaa ku billowday biyaha iyo korontada oo helidooda ay noqotay mid aan joogto ahayn, taas oo keentay inay dad ka caraysan dibad u soo baxaan.

Intii ay socdeen isku soo baxyada waxay sababeen in la bilili-qaysto xarumo ganacsi, madaxweynaha ayaa sheegay inuu taageeri doono dadka hantidooda laga boobay.

Awoodda dhallinyarada ee ay ku wajihi karaan dawladaha ayaa aad u soo ifbaxday markii dalka Nepal ay ka dhigeen dibadbaxyo keenay isbeddel guud.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan