Home / Habka-Nolosha / Taajka boqoradda quruxda caalamka oo loo saaray 23 jir u dhalatay Jamaica

Taajka boqoradda quruxda caalamka oo loo saaray 23 jir u dhalatay Jamaica

Himilo- Xaflad weyn oo lagu qabtay magaalada London ayaa taajka quruxda caalamka sannadka 2019 lagu guddoonsiiyay Toni-Ann Singh oo ka soo jeeda Jamaica.

Waxaa tartanka ka qeyb galay 111 haween ah oo soo xertay dhar ka tarjumaya dhaqanka dalalkooda kuwaasi oo lagu kala reebay dhowr wareeg.

“Haweenka ku nool Jamaica iyo dunida oo dhan, fadlan rumeysta awoodiina, oggaada in aad sameyn kartaan oo aad xaqiijin kartaan,” ayay tiri Toni-Ann.

Gabadha 23 jirka ah ayaa ku dhalatay Morant, St. Thomas oo katirsan Jamaica. Waxay ka baxday jaamacadda Florida State University.

Waa markii ugu horreysay oo dhamman tartamada quruxda; Mareykanka, Ameerika iyo caalamka ku guuleystaan haween madow ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan