Home / Macluumaad / Taariikhda Cali Mahdi Maxamed

Taariikhda Cali Mahdi Maxamed

Himilo – Xilli lagu qiyaasay 1938-kii ilaa 1939-kii ayuu ku dhashay Cali Mahdi Maxamed deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya.

Wuxuu ku qaatay Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd Muqdisho, isagoo markii dambana wax barasho dheeraad ah u tagay dalka Masar.

Aqalka Baarlamaanka ayuu xubin ka soo noqday intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, markii ay burburtayna sanadkii 1991-kii ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya.

Xilkaas oo uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka waxaana sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cali Mahdi waxa uu xukunka qabsaday kaddib markii isbahaysi mucaarad ah oo hubeysan, oo uu ku jiray xisbigiisii USC ay xilka ka tuureen madaxweynihii muddada dheer ka talinayay Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Hadana uma suuragelin in Cali Mahdi uu nidaamkiisa wada gaarsiiyo dalka oo dhan, xilli ay Soomaaliya lugaha la gashay dagaallo sokeeye oo baahsan.

Shir ay dalal ka mid ah beesha caalamka ka qeyb galeen oo sanadkii 1991-kii lagu qabtay dalka Jabuuti ayaa lagu damacsanaa in la isugu geeyo hoggaamiyeyaasha isku hayay talada Soomaaliya, hase yeeshee waxaa ku gacan seyray Caydiid oo aan ka qeyb galin shirkaas.

Beesha Caalamka ayaa Cali Mahdi markaas u aqoonsatay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya. Dalalkii maamulkiisa aqoonsaday waxaa ka mid ahaa Jabuuti, Masar, Sacuudiga iyo Talyaaniga.

Cali mahdi sanadkii 2000 waxa uu mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre.

Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Bilihii lasoo dhaafay ayuu mar qabsaday hadal-heynta shacabka kaddib markii uu hirgeliyay dhisme lagu tilmaamay kan ugu dheer magaalada Muqdisho. Mar wax laga weydiiyay ayuu sheegay in dhaqaalaha lagu dhisay gurigaas uu ka yimid maalgashiyo uu sameeyay.

kahor iyo kaddib ku jiritaankiisii siyaasadda, Cali Mahdi wuxuu ahaa ganacsade adduun badan  ku maalgeliyay waddanka.

Bishii September ee sanadkii 2020-kii ayuu mar si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dhab u heshiisiin qaran la sameeyo si loo helo bulsho is-oggol iskuna duuban.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu maalmo ku xanuunsanaa, waxaa sidoo kale cisbitaalka kula xanuunsadeyd Xaaskiisa Raxma Maxamuud Gacal oo xaaladeeda caafimaad sida la sheegayo liidata.

Waxaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi, Masuuliyiinta Dowladda Federalka Soomaaliya, Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Dowladdu waxay sheegtay in muddo seddex cisho ah loo sameyn doono baroordiiq iyadoo calanka Soomaaliyana hoos loo dhigi doono si loo muujiyo murugada geerida madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed. aas qaranna loo sameyn doono.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan