Muqdisho waxaa lagu soo gaba gabeeyay tababar socday maalmo kooban kaas oo loo qabtay qorayaasha da’da yar ee ku nool magaalada.
Ujeeddada waxaa ay ahayd in laga saxo Afka Hooyo maaddaama ay yihiin qorayaal soo baxaya una baahan in la garab istaago si ay u soo saaraan qoraallo saxan.
Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed ayaa bixiyay tababarka oo qaatay Saddex maalmood,qorayaasha da’da yar ayaa qaarkood sheegay in ay dib ugu laabteen buugaag ay qorayeen kaddib markii ay ku arkeen hab qoraal khaldan.
Halkan ka daawo sheekada oo dhameystiran.
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/105193842606352