Home / Cayaaro / Tottenham oo Andre Onana u aragta beddalka Hugo Lloris

Tottenham oo Andre Onana u aragta beddalka Hugo Lloris

Himilo- Kooxda Tottenham Hotspur ayaa u aqoonsatay goolhayaha kooxda Ajax Andre Onana beddelka ugu haboon ee Hugo Lloris.

Onana wuxuu soo maray nidaamka dhalinyarada ee Barcelona ka hor inta uusan ku biirin Ajax, halkaas oo uu in ka badan 150 kulan u saftay tartamada oo dhan.

23 sanno jirkan, oo horey loola xiriiriyay kooxda Manchester United, ayaa door muhiim ah ka ciyaaray in kooxdiisu ay gaarto semi-finalka xilli ciyaareedkii hore Champions League, halka uu goob joog ka ahaa xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay The Sun, Spurs ayaa isku diyaarineysa inay bedesho Lloris, kaasoo haatan dhaawac Xusulka  ah ku maqan laakiin ku dhibtooday inuu qaab ciyaareed  fiican sameeyo 12kii bilood ee la soo dhaafay.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Tottenham ay iska iibin laheyd Lloris xagaaga soo socda ka hor inta aysan keenin Onana, taasoo la sheegay inay tixgelinayso kooxda reer London.

Xiddiga reer Argentina Paulo Gazzaniga ayaa hada ah goolhayaha koowaad ee Mauricio Pochettino iyadoo Lloris aan la fileynin inuu diyaar noqon doono ilaa 2020.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan