Home / Cayaaro / Tottenham oo dalab u dirtay laacib ay dooneyso Man United

Tottenham oo dalab u dirtay laacib ay dooneyso Man United

Himilo FM –Tottenham ayaa dalab u dirtay xiddiga kooxda Lyon Tanguy Ndombele, sida ay sheegayaan wararka.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa waxaa doonaya kooxo badan oo ka dhisan Yurub oo ay ku jiraan Manchester United iyo Manchester City.

United ayaa la rumeysan yahay inay ku sii jeedaan Ndombele iyagoo sugaya inay arkaan Paul Pogba oo ka tagaya Old Trafford xagaagan.

L’Equipe ayaa sheegaysa , Spurs iyo Juventus, inay dalabkii ugu horreeyay u direen Ndombele, inkastoo ay u badan tahay inay  diidi doonto Lyon.

Kooxda Faransiiska ayaa dooneysa inay 88 milyan oo ginni ku iibiso Ndombele, lakiin uma badna Juventus ama Spurs inay kasoo ag dhawaadaan qiimahaas.

Lyon ayaa si buuxda ugu diyaar garoobeysa inay lacag kaash ah ka bixiso Ndombele, iyadoo madaxweynaha kooxdaasi Jean-Michel Aulas uu sharraxay horraantii bishan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan