Himilo – Xidhiirka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay in finalka Champions Leaque ee sanadka 2022 oo lagu qaban lahaa magaalada St Petersburg loo wareejiyay dalka Faransiiska kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.
Ciyaarta kama dambeysa ah ayaa lagu wadaa inay 28 May sanadkan lagu qabto garoonka Stade de France ee ku yaalla caasimadda Paris. Go’aankan ayaa yimid markii ay kulan yeesheen madaxda sare UEFA.
UEFA ayaa uga mahad celisay madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo taageero shaqsi ah u muujiyay marti gelinta ciyaarta ugu xiisaha kubbada cagta Yurub.
Lugta koobaad ee wareega 16-ka Champions League ayaa haatan la soo gabagabeeyay ka dib ciyaarihii Yurub ee toddobaadkan, iyadoo lugta labaad ay dhici doonto bisha March.