Himilo – Dowladda Ukraine oo ka mid ah waddamada yar ee ilaa hadda lacagaha digitalka ah Crypto Currency o aqoonsaday lacag sharci ah ayaa heshay yabooh maaliyadeed dhan $34Milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Lacagtan ayaa ku dhacday kootada Dowladda Ukraine ee ethereum, waxaana bixiyay dadkad ka dsdhadqdeysta digitalka, iyada oo sidoo kale dowladda Ukraine loogu yaboohay matalayaasha aan la taaban Karin non-Fungible Tokens (NFT).
Madaxaha sharikadda Elliptic, Tom Robinson, ayaa sheegay in inta badan lacagahaas lagu soo dirayay Bitcoin iyo ethereum, kuwaas oo ku dhacayay akoonka dowladda Ukraine ee lacagaha digitalka ah.
Ninka wax ka aas aasay Ethereum ee u dhashay Waddanka UK Gavin Wood ayaa bixiyay $5.8milyan oo lacagtaas ka mid ah,waxaana uu ugu talagalay in dowladda Ukraine u adeegsato dagaalka ay kula jirto Russia.
Elliptic, ayaa ka digtay burcadda lacagaha online-ka la isugu diro dhacda inta lagu jiro yabooh maaliyadeedka ay sameynayaan maalgashadayaasha lacagaha elktaroonigga ah (Virtual currencies) .
Elliptic, waxa ay ka mid tahay sharikadaha dowladaha ka caawiya la dagaallanka dambiyada maaliyadeediyo lacag dhaqidda.