Home / Macluumaad / UNESCO: 132 Milyan oo gabdho ah ma heystaan fursad waxbarasho

UNESCO: 132 Milyan oo gabdho ah ma heystaan fursad waxbarasho

Himilo – Warbixin cusub oo ka soo baxday hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO ayaa lagu sheegay in 132 Milyan oo gabdho ah inaysan ku jirin waxbarasho caalamka oo dhan.

Hay’adda u qaabilsan QM barbaarinta, seyniska iyo dhaqanka ayaa xustay in 750 Milyan oo dhallinyaro ah oo seddex meelood meel yihiin gabdho inaysan helin fursad waxbarasho si ay uga baxaan dhibaatada wax akhrin la’aanta iyo qorista.

Xogta hay’adda ayaa muujisay in 1% gabdhaha ku nool dalalka dakhligooda hooseeyo inay helaan fursad yar oo ay ugu biiri karaan dugsiyada sarre.

UNESCO ayaa dejisay istiraatiijiyad guud sannadkii 2015, waxa uu ujeedku ahaa in gabdhaha la siiyo fursado waxbarasho oo sahlan laaakiin waxay u muuqataa tani inaysan dhicin sida warbixinta cusub tilmaameyso.

Hay’adda QM ayaa rajo wanaagsan ka qabta inay beddasho xaaladda jirta ee ku saabsan waxbarashada gabdhaha iyadoo bilaabaysa ol’ole cusub oo lagu yareynayo heerka dhibaatada wax akhrin la’aanta iyo qorista.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan