Home / Arrimaha Bulshada / Waa kuma ninka hogaaminaya mucaaradka hubeysan ee Syria la wareegay?

Waa kuma ninka hogaaminaya mucaaradka hubeysan ee Syria la wareegay?

Himilo-Wax kayar labo todobaad kooxda mucaarka Syria ayaa qarka u saaran inay af-gambiyaan Bashar al-asad kadib markii ay qabsadeen inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka, kaliya magaalada caasimada ah ee Damascus ayaa haatan u soo hartay nidaamkii uu hogaaminaye Asad.

Dunida oo idil ayaa isha ku heysa xooggaga mucaaradka ee Syria iyo awoodda xooggan oo ay la soo baxeen.

Su’aasha ugu badan ee dadku isweydiinayaa ayaa ah, Waakuma ninka hogaanimaya xoogga hubeysan ee dalkaa Syria la wareegay? Si fudud Jawaabto waa Abu-Mahadamed al-julaani.

Hadabada waa kuma Abu-Maxamed al-julaani?

Magaciisa oo dhameystiran waa Axmed Xuseen al-sharaa oo lagu naaneeso Abu-Maxamed al-Junaali waxa uu ku dhashay magaalada Riyaad sanadkii 1982 halkaas oo aabbihiis uu ka shaqey jiray.

Qoyskiisa ayaa dib ugu soo laabtay Suuriya sanadkii 1989, waxayna degeen meel u dhow Damascus. ka hor intii uusan u guurin sanadka 2003 ee Ciraaq, ma jiraan wax badan oo laga ogyahay. Markii uu u guuray Ciraaq, wuxuu ku biiray kooxihii hubeysnaa ee dalka Ciraaq isagoo ka qayb qaadanaya iska caabinta duullaanka Maraykanka ee Ciraaq.

Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay isagoo Ciraaq ka dagaalamayo sanadkii 2006, waxa uuna xirnaa muddo shan sano ah. Kadib, al-Julani ayaa asaasay garabka hubeysan ee Suuriya, ee Jabhat al-Nusra, taasoo xooggeeda ku kordhisay meelaha ay ka talinayaan mucaaradka, gaar ahaan Idlib.

Bilowgii 2017-kii markii la jibiye mucaaradkii Syria ee Ruush-ku uu burburiye dalka Syria, dhamaan kooxihii mucaaradka waxay iskugu yimadeen Magaalada Idlib halkaa Al-julani waxa uu ka aasaasay kooxda HTS oo maanta ah kooxda qarka u saaran inay xukunka ka tuuraan Bashar al-Asad.

Tan iyo 2016, wuxuu isku diyaarinayay in uu soo dhiso kooxd awood badan isagoo badalay fikirkii ahaa in uu dalalka dariska ah weeraro waxa uuna u badalay fakar ku eg dowlada Xoogan oo Syria ay yeelato.

Dardarta iyo awooda ay ku socda kooxda hubeysan ee Syria la wareegay waxaa loo arkaa inay soo gaabinayaa maalmihii Bashar al-asar oo xasuuq badan ka geystay Syria isagoo kaashanaya Iran iyo Ruush-ka.

 

 

 

 

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan