Himilo – “Dabbaasha oo aad barataa waad ku badbaadi kartaa haddii uusan waqtigaaga gelin”, waa sheekada wasiir ka tirsan golaha wasiirada Madagascar, kaasi oo muddo 12 saac ah dabbaalanayay si uu u gaaro xeebta.
Mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ah oo uu saarnaa Serge Gelle ayaa ku burburtay badda jasiirada ku taala waqooyi-bari dalkaasi.
Isaga iyo nin boolis ah oo ka badbaaday burburka waxey gaareen xeebta magaalada Mahambo, kaddib muddo 12 saac ah oo ay dabbaalaneyn badda.
Gelle, oo 57-jir ah ayaa kasoo muuqday muuqaalka ku baahay baraha bulshada, isaga oo leh waqtigeyga ayaa wax ka ka dhinaayeen, dhaawac ma qabo waxaanse ka cabanayaa qabow darran.
Laba ruux oo ku wehlinayay socdaalka oo kormeer ahaa ayaa weli la baadi goobayaa, lamana oga waxa sababay burburka diyaaradda helikobtarka ah ee uu saarnaa wasiirka.
Taliyaha booliska Madagascar, Zafisambatra Ravoavy, oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP ayuu u sheegay in qaar ka mid ah waxyaabaha ka caawiyay wasiirka inuu ka badbaado shilkaasi ay tahay inuu yahay nin sport, uuna helay kursiga diyaaradda, kaasi oo uu adeegsaday sida qalabka dabbaasha oo kale.
General Gelle, ayaa bishii tagtay ee August loo magacaabay xilka wasiirka booliska, kaddib tubaneeyo sano oo uu hayay shaqada
Radio Himilo
