Himilo- Weeraryahanka kooxda Red Bull Salzburg Hwang Hee-chan ayaa lagu soo waramayaa inuu u muuqdo mid bartilmaameed u ah kooxda Wolverhampton Wanderers.
In kasta oo inta badan diiradda la saarayo saaxiibkiisa Erling Braut Haaland, Hwang ayaa sidoo kale isagu noqday nin xiddig ka ah kooxda ka dhisan Austria, isagoo dhaliyay sagaal gool 20 kulan oo uu ka ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
23 jirka ayaa haatan lala xiriirinayaa inuu u wareegayo koox weyn, The Telegraph ayaa sheegeysa in Wolves ay xiiso u muujineyso xiddiga heerka caalami ee dalka South Korea.
Inkastoo warbixinta soo jeedineysay in kooxda ka ciyaarta Premier League ay awood u yeelan karto inay sameyso qorshe kaas oo Hwang ku sii nagaan doona Salzburg inta ka dhiman xilli ciyaareedka, waxaa la soo jeediyay in Nuno Espirito Santo uu u tixgeliyo ciyaaryahanka mudnaanta koowaad.
Hwang ayaa la sheegay inuu haysto lacagta lagu masixi karo qandaraaskiisa, oo la sheegay inuu ahaa qiimo u dhaxaysa £ 20m iyo £ 25m.
Weeraryahanka ayaa seddex gool dhaliyay seddexna caawiye ka ahaa wareega group-yada Champions League xilli ciyaareedkaan.