Home / Cayaaro / Zidane: ‘Juventus muhiim ayey ii tahay aniga’

Zidane: ‘Juventus muhiim ayey ii tahay aniga’

Himilo – Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay in Talyaanigu ‘markasta qalbigayga ku jiro’ wuxuuna hoosta ka xariiqay Juventus ‘markasta muhiim ayey ii ahaayeen’.

Tababaraha Faransiiska ayaa la hadlay Sky Sport Italia ka dib markii Real Madrid ay 3-1 kaga badisay Liverpool Talaadadii, markii Los Blancos ay xaqiijisay faa’iido ka hor kulanka lugta labaad ee Merseyside ee wareega 8da Champions League.

Zidane wuu ku faraxsanaa guusha laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in kooxda ka ciyaarta La Liga ay wali tahay inay dhameystirto shaqada.

“Waan ku farxi karnaa ciyaartii aan ciyaarnay laakiin lug ayaa soo laabaneysa waana inaan dhammeyno shaqada,” ayuu Zidane u sheegay idaacadda.

“Laakiin waan ku celinayaa, waan ku farxi karnaa kulanka caawa, maxaa yeelay waxaan ciyaarnay ciyaar dhameystiran.”

Ku guuleystaha Koobka Adduunka ayaa markaa la weydiiyay haddii ay u badan tahay inuu arko isagoo ku soo laabtay kubada cagta Talyaaniga, Zidane ayaa sheegay inuu weli xiriir gaar ah la leeyahay Bianconeri, halkaasoo uu shan sano ku qaatay ciyaaryahan ahaan intii u dhaxeysay 1996 iyo 2001.

“Talyaanigu had iyo jeer waa qalbigeyga. Juventus had iyo jeer muhiim ayey ii aheyd aniga, ”ayuu 48 jirkaan sii daba dhigay. “Ma garanayo haddii aad mar kale igu arki doontid Talyaaniga Hadda waxaan joogaa halkan. Aan aragno.”

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan