Himilo – Bisha November ee sanadkan waxaa dalka Qadar ka furmaya Koobka kubadda Cagta Adduunka oo horay loo sii shaaciyay isku aadkiisa.
Waxaa ka soo baxay group-yo ay ku jiraan kulamo nxiiso badan oo qofkasta oo daneeya ciyaaraha ay tahay in uu maskaxda ku siiheysto islamarkaana daawado marka ay furmaan ciyaaraha koobka adduunka.
Kulanka 1aad Senegal v The Netherlands; waxaa kulan ay isaga hor imanayaan Daafaca iyo weerarka Liverpool inkasta oo mane ku biirayo Beyern Munich, haddana waxaa lagu daawan karaa xiddigaha kala ah; Virgil van Dijk and Sadio Mane.
Kulanka 2aad France v Australia; kulankan waxaa si gaar ah isha loogu hayaa xiddigaha kala ah; Kylian Mbappe, Karim Benzema iyo Paul Pogba, waxaa ay difaacanayaan koobka adduunka maaddaama ay qaadeen sanadkii ugu dambeeyay ee 2018,waxaa mar kale ay ku billaabayaan waddankii ay ku billaabeen 2018 ee Australia.
Kulanka 3aad Brazil v Serbia; waxaa jira waddamo yar oo ciyaarta kubadda cagta ay dhab ka tahay sida Brazil, shaki kuma jiro in kulankan ay daawan doonaan malaayiin qof, iyada oo ay doonayaan in ay ku guuleystaa koobkan oo aysan qaadin 20kii sano ee ugu dambeeyay.
Kulanka 4aad Spain v Germany; shaki la’aan waa kulanka ugu adag heerka groupyada, waa laba waddan oo koobkan ku kala guuleystay 2010 iyo 2014,waana laba ka mid ah waddamada loo saadaalinayo.
Kulanka 5aad Portugal v Uruguay; waa kulan xiiso badan laguna daawanayo magacyada ciyaartoyda da’da ah ee ka soo muuqanaya, celcelis ahaan da’da ciyaartoyda labada waddan ee 2022 u ciyaaraya waxaa lagu sheegay 72, taas oo ka dhigan in dhacdadan ay ka soo muuqan doonaan rag ay ahayd in ay fariistaan.
Kulanka 6aad Wales v England – kulan xiisaiisa gaar ka ah leh marka la joogo boqortooyada UK, labada xul waxaa ay ka wada tirsanyihiin UK laakiin ciyaaraha waa ay ku kala duwanyihiin waliba aad ayey u xafiiltamaan, Wales 1958dii ayaa ugu dambeysay koob adduun oo ay ka qeybgasho.
Kulanka 7aad Iran v USA; waa laba dal oo dhinaca siyaasadda la oran karo waxaa ay isugu necebyihiin Adduunka, haddana waxaa iska horkeenay kubadda Cagta, taageerayaal cadowtooyo isu qaba ayaa iska hor iman doona.
Kulanka 8aad Poland v Argentina; kulan aan si weyn isha loogu heyn laakiin,waxaa ka soo muuqanaya oo lagu daawanayaa laba ciyaaryahan ee ugu saameynta badan dal kasta kuwaas oo kala ah; Robert Lewandowski iyo Lionel Messi.
Kulanka 9aad Croatia v Belgium, mid ka mid ah kulamada ay isku arkayaan labada dal oo mucjiso ka dhigay koobkii ugu dambeeyay ee adduunka, Croatia waaba laga qaaday finelkii halka Belgium wacdaro ka dhigtay koobkaas,waxaana sababtaas lahaa ciyaartoyda farsamada badan ee labada dal u ciyaaraya.
Kulanka 10aad Ghana v Uruguay; waxaa xiiso gaar ah u yeelaya ciyaartii 2010kii dhexmartay ee koobkii adduunka ee lagu qabtay koofur Africa, xilligaas oo afar dhamaadka ay u gudubtay Uruguay markii Suarez uu gacanta gool ku dhaliyay Asamoah Gyan, uu gool kullaad ka qasaariyay xulkiisa Ghana.
Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Ghana Kurt Okraku, ayaa ku tilmamay kulan aargoosi,waana sababta ka dhigeysa kulanka 10aad ee ay tahay in aad daawato dhamaadka sanadkan.
W/D: Adam Ibrahim Farah.