Home / Macluumaad / 15 July – Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhalinyarada.
MINUSMA supported the Gao youth's citizen engagement in the realization of a communal theater project for the relaunch of a culture of peace and reconciliation.

15 July – Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhalinyarada.

Muqdisho – 15 July sanad kasta waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhalinyarada si loo weyneyno doorka da’yartu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaaalaha ee wadamadooda.

Ujeedada ugu weyn ee Maalintan ayaa sida wacyiga door ahaaneed ee awoodda dhalinyarada kaga aadan horumarinta dalalkooda loo kor yeeli lahaa. Duntuna maalintan ayaana sidoo kale ah in lagu baraarugsanaado tayada awoodeed ee ku jirta da’yarta.

Xuska Maalinta waxaa lagu qabtaa meelo badan dunida kamid ah. Waxaana talo ahaan loogu yeeraa dalalka heysta kheyraadka dhalinyarada inay ka faa’iidaystaan xooggooda.

Balse dal kasta ma ahan mid sidii la rabay uga faa’iidaysta kheyraadka xirfadyaqaannada da’yartiisa. Si kale marka loo yiraahdana, furayaasha lagu xaqiijiyo horumarrada ay ku tallaabsadeen dalalka horumaray, waxaa mar kasta dib loogu celiyaa sidii ay u maal-geliyeen aqoonta iyo hibada ku jirta dhalinyaradooda.

Micnaha ahaan, xirfadaha dhalinyarada waa siinta aqoon iyo tababar ku filan da’yarta si ay u qaabilaan howlgalka loo carbinayo inay ku meel-mariyaan soo saarista is-baddalka looga fadhiyo – iyada oo isla mar ahaantaana loo diyaarinayo inay isku filnaadaan dhaqaale ahaan.

Farsamada gacantu waa mid kamid ah ilaha aasaasiga u ah horumarrada ay gaareen dunida Galbeedka. Markii dunidu baratay sida loola falgalo birta waxay sidoo kale ahayd markii lagu baraarugay xirfad-u-yeelista jiilkii waqtigaas taas oo abuurtay hannaan isku dheelli-tiran oo wax soo saar ballaaran ku fadhiya. Ugu yaraan taas waa kolkii uu bilowday Kacaankii Warshadaha ee Yurub ka hanaqaaday qarnigii 18aad.

Waayo shaqo u sameynta jiilalka soo koraya waxay jawaab u noqotay helidda kobac dhaqaale iyo horumar sugan oo ay ilaa iyo maanta hayaan Galbeedku. Waloow xaqiiqda ah sida dheelli ugu yimid dardartii horumar ahaaneed ee waagaas aysan maanta in badan sii muuqanin. Tanina waxaa loo aaneynayaa tiradii da’yar ee ninka cad ee berigaas oo ku filnayd buuxinta ilaha lagu kobciyo kaabayaasha nolosha oo aan maanta sii jirin in badan. “Waayo haweenkeennii ma rabaan inay wax dhalaan – geeridii ninka cadna way soo dhawaatay,” sidaas waxaa sanadkii 2002 buuggiisa The Death of the West – ama Geerida Galbeedka ku qoray qoraaga iyo wariyaha caanka ah ee Mark Bukhana oo mar isku soo taagay madaxtinimada  Maraykanka.

Ayaan-darro, kuwii heystay kheyraadka tiro badan oo dhalinyaro ah waxay garan la’yihiin wixii ay u qaban lahaayeen. Jiritaankoodana waxaa loo arkay Niqmo halkii loo fahmi lahaa Nimco mudan in looga mahad-naqo Rabbigii nagu galladay. Mahad-naqistuna waxay ku imaanaysaa in awoodda dhalinyarada la maal-geliyo.

Barashada xirfadaha kala duwan malahan mudnaan door leh. Mana ku fadhiso muhiimadda ugu weyn ee lagu horumaro, sidaas waxaa Afrika caqliga ku shubay reer Galbeedka u yimid inay gumeystaan – kahor iyo kadib – xattaa markay ay xurnimada siiyeen. Meelaha qaarna, waxay kaga hortageen si dad badan in lagu baraarugo aqoonsiga xirfadaha. Natiijada kama danbeysta ah ayaa noqotay in heerka ugu hooseeya lagu fiiriyo shaqooyinka xirfadeed ee la xiriira la fal-gelista birta iyo wax walba oo xiriir la leh.

Waxa lagu yaqaan umadaha ku qanca inay ku tiirsanaadaan wax soo saarka looga soo waarido dunida kale, waa inaysan ku baraarugsaneyn waxa ka dhigay dunida kale heerka gaarsiisay in lagu tiirsanaado. Waana innaga kuwa ugu mudan ee dib isku weydiin kara sababta xirfadlayaasheenna kala duwan aynan u dhiirri-gelin ama aynan ugu muujinin qadarintii ay naga mudnaayeen. Haddii aan ugu yaraan wax soo saarka xirfadlayaasheenna gudaha aan ku tiirsanaan lahayn oo ganacsatadeenna dibadda kasoo iibsanaysa Mindiyaha, kuraasta iyo wixii lamidka ah ay dalabkaas siin lahaayeen xirfadleyda, hubaal dalkeennu wuxuu noqon lahaa mid iskaga filnaada dhinacyo badan oo aalabaha ceyrinka ah laga heli karo dalkeenna.

Nasiib-darrase, markii aysan dhicin sidaas, waxaa timid in findhicilka xattaa aan dunida kasoo iibsano.

In kasta oo aan si dhab ah loogu tiirin karin goorta iyo halka ay Soomaalideennu kala timid liidista xirfadaha qaar, hadana waad caadyaal in gumeystuhu qeyb weyn ku lahaa inaynan ku baraarugin qiimaha ay leeyihiin farsamooyinka gacanta. Haddii sheekada tibaax ahaanta la iskugu weriyo ee tilmaanta in Talyaaniga uu Soomaalida kala diriray inay ka caaganaadaan cunista Muuska – waayo waxay ka qaadayaan calool xanuun – ay halheyskeenna ku jirto, maxaa diidaya inuu sidoo kale naga dhaadhiciyay inaan ka fogaanno howlaha bir tumista iyo farsamooyinka kale ee gacanta?!

Badigeen waxaa xaqiiqo ah inaynan fahamsaneyn micnaha fog ee barashada xirfaduhu ugu fadhiyaan dunida horumaraysa. Tusaale ahaan, Malaysia, oo ah dal Muslim ah kana mid ah wadamada ugu kobac dhaqaale badan dunida maanta kaas oo sanadka 2020 ku rajaweyn inuu noqdo afarta dal ee ugu awoodda badan dhaqaale ahaan caalamka, mid kamid ah sirta horumarkiisa waa barashada xirfadaha.

Mahathir Mahamed, oo ahaa ra’iisul-wasaarihii Malaysia intii u dhaxaysay sanadihii 1981-2003 kaas oo horumar xowli ah ku hoggaamiyay dalkiisa, wuxuu ahdaaftiisa dhanka tacliinta kamid dhigay furista xarumo lagu barto farsamada gacanta. Marka ardaygu kasoo baxo dugsiga sare, kahor intuusan ku biirin Jaamacadaha, wuxuu galaa dugsigyada xirfadaha lagu dhigo si uu u helo xirfad ku saacidda in fursadda shaqo ee suuqa taalla uga faa’iidaysto iyo in sidoo kale uu awoodo il dhaqaale oo uu ku maareeyo tacliintiisa sare. Xarumaha xirfadaha lagu dhigo ama farsamoyinka gacanta waa kuwa ka furan gobal kasta oo kamid ah Malaysia. Maanta 75% ardayda Malaysia waa xirfad yaqaanno dhaqaale ahaan isku filan.

Markii ay dalkeenna usoo daadegno, farsamada gacanta dugsiyadii lagu baran jiray maanta in badan majiraan. Muddo 30 sano ku dhowna, lama arag dowlad ama urur aan dowli ahayn oo isku daya inay anba-qaadaan. Helidda dhowr iyo labaatan jaamacadood oo kaliya ku kooban dulmarista aragtiyada ku dhigan buugaagta manaahijtooda, ardayda kasoo baxda in badan magaran karaan kaalinta kaga bannaan bulshadooda oo ay buuxin karaan.

Balse helidda xarumo lagu dhigo ama tababar iyo leyli loogu sameeyo dhalinyarada si ay bartaan hadba xirfadda hibada aqooneed ee ku jirta ku kabi karaan, waxay jawaab u noqon kartaa abuuritaanka fursado badan oo suuqa yimaada taas oo dhalinyaradeenna ka caawinaysa inay howl-galaan.

Hayeeshe waxaa jira tusaalayaal ifafaalo muuqda u ah bilowga xarumo lagu barto xirfadaha oo dhawaan ka hanaqaadmay qeybaha dalka gaar ahaan Muqdisho. Waxaana xusid mudan in mashruucaas uu noqon karo mid haddii sida ugu toolmoon loogu howl-galo dhalin kara aayamaal lagu diirsado mustaqbalka dhow.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan