Home / Maalmaha Caalamiga / 18 July – Maalinta Caalamiga ee Nelson Mandela

18 July – Maalinta Caalamiga ee Nelson Mandela

Himilo -Taariikhaha laga diiwaan-geliyay Afrika xilligii isticmaarka ama gumeysiga ninka cad waxay leeyihiin sheekooyin galay sooyaalka qaaradda oo illaa iyo maanta lagu qoro buugaagta. Balse dhammaan sheekooyinkani malahan dhadhan isku mid ah. 

Halka laga yaabo inay dhamaantood ka midaysnaayeen hadafka guud ee gumeysi diidka iyo isku talis madax bannaani leh, haddana mar kasta halgankoodu ma yeelan hal midab ama muuqaal goonni ah. Mid kamid ah nidaamkii gumeysi ee qaaradda soo maray qarnigii 20aad kaas oo uur kutaallo ku ahaa dadyowga Afrikaanka waa siyaasaddii midab-takoorka ku dhisneyd ee ka jirtay dalka Koofur Afrika.

Azania oo ah magacii hore ee loo yiqiin Koofur Afrika ka hor gumeysiga, wuxuu xukunka ninka cad ku jiray muddo badan taas oo ugu danbeyn keensatay in looga horyimaado ol’ole ka dhan ah oo looga xoroobayo. Mid kamid ah halgamayaashii u haray noloshooda inay geeri iyo gobannimo kaga geeraaraan gumeysiga lagu hayay waa halgamaa Nelson Mandela.

Sannad kasta 18 July – oo ah markii uu dhashay Nelson Rolihlahla Mandela – ayaa QM waxay shaqsiyaadka adduun-weynaha weydiisataa inay taariikhdan u aqoonsadaan Maalintii Mandela iyaga oo is-baddal ka sameynaya bulshooyinkooda.

Qof kasta wuxuu leeyahay kartida iyo mas’uuliyadda uu dunida kaga dhigi karo mid ka fiican sida uu ugu yimid. Maalinta Mandelana waa dhanbaal qof kasta ku socda oo loogu sheegayo inuu tallaab qaado kuna fikiro is-baddal, sidaas waxaa lagu qoray mareegta QM.

67 sano ayuu Nelson Mandela ku bixiyay noloshiisa ugu adeegista Aadanaha sida qareen u dooda xuquuqda insaanka, nabadoone caalami ah iyo madax-weynihii ugu horreeyey ee si dimuqraadi ah loogu doorto madaxtinimada Koofur Afrika oo xor ah.

Bishii November sanadkii 2009, Kal-fadhiga Guud ee QM ayaa 18 July u aqoonsaday Maalinta Caalamiga ee Nelson Mandela si la iskugu baraarujiyo doorkii nabadeed iyo xurriyadeed ee laga bartay.

Mandela wuxuu ahaa madaxweynihii Koofur Afrika intii u dhaxaysay 1994-1999. Waana madowgii ugu horreeyey si dimuqraadi ah loogu doorto madaxtinimada South Afrika.  Dowladdiisu waxay diiradda saartay burburinta xukuumaddii ku dhisnayd falsafaddii midab-takoorka oo si sandulle lagu dhaqan-geliyay.

Markii uu waxbarashada ku jiray, wuxuu bartay sharciga isaga oo noqday madowgiii ugu horreeyey ee qareen Koofur Afrikaan ah. Sanadkii 1950 waxaa loo doortay garabka dhalinyarada ee Ururka ANC oo u dhaqdhaqaaqayay xurriyadda.

Markii dowladdii wagaas ay cunsuriyad ku mamnuucday xisbiga ANC, Mandela wuxuu abaabulay dhaqdhaqaaq dahsoon oo military ah. Wuxuu markaas kahor isku dayay inuu dibadbax nabadeed ku muujiyo ahdaaftiisa, balse markii uu dowladda kala kulmay handadaad iyo rabshad, wuxuu taageeray dhaqdhaqaaqa hubaysan.

Mandela waxaa la xabisay intii u dhaxaysay sanadihii 1962-1990 isaga oo lagu eedeeyey amardiido iyo qalqal uu geliyay jiritaanka dowladda. Waxaana lagu xukumay xabsi inuu ku dhamaysto cimrigiisa, hayeeshe waa lasii daayay markii Xisbiga ANC uu noqday mid rasmi looga aqoonsaday dalka.

Goortii uu xabsiga ku jiray, Mandela wuxuu ahaa astaan u taagan loolanka loogu jiro iska ridista heeryada gumeysi ee ka dhanka ah madowga Koofur Afrika. Mandela waxaa loo tix-geliyaa Aabaha Koofur Afrikada Casriga ah. Wuxuu noqday udub u taagan ka dhiidhinta xukuumaddii midab-takoorka iyo dhaqan-gelinta nidaam ku salaysan dimuqraadiyad.

Mandela waxaa abaal-marinta nabadeed ee Nobel Peace Prize sanadkii 1993 lagu siiyay sida nabadda ku dhisan oo uu kaga adkaaday nidaamkii midab-takoorka. Waxaa intaas ka baxsan inuu helay in ka badan 250 abaal-marinno kale duwan ah oo lagu guddoonsiiyay halgankiisa adkaa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan