Himilo – Xannuunka Autism-ka ayaa inta badan ku dhaca carruurta, waxa uu ku keenaa dib-u-dhac xagga korriimada, fahamka, hadalka, dhaq-dhaqaaqa iyo la falgalka bay’adda ku hareereysan.
Autism-ka waxa uu sababi karaa garaad gaabni, tiraab la’aan iyo caafimaad darro. waxa uu leeyahay astaamo faro badan oo lagu arko dhallaanka inta uusan si toos ah u soo muuqan. Waa xaalad ee ma aha cudur loo baqdo. Waxa uu jiri karaa tan iyo marka dhalashada, inkasta oo calaamaduhu soo muuqan karaan uun goor dambe.
Da’da inta badan uu kaga soo muuqdo waxaa lagu sheegaa inta u dhaxeysa sannad illaa iyo seddex sanno mararka qaarna astaamaha xannuunkan lagu oggaan karo waxaa kamid ah ubadka oo dhasha isagoo ka duwan ilmaha caadiga ah dhinacyada hurdada, naas nuugista iyo dareenka lafal-galka hooyada ama qofka markaa haya.
Qof kasta oo Autism-ka qaba waa nooc gaar ah. Dad badan oo qaba waxay si aan caadi ahayn awood ugu leeyihiin xirfad arag, muusig ama waxbarasho. Illaa 40% ayaa garaadka caadiga leh ama kan dadka mid ka sarreeya leh. Kuwa kale ee Autism-ka qaba, si ka duwan waxa jira kuwa kale oo uu hooseeyo fahamkooda maskaxeed.
Halista xannuunkan wuxuu khatar ku hayaa caruuur badan oo caalamka ku nool sidaa darteed, waxaa loo asteeyey maalin gaar ah oo ku beegan 2-da April sanadkasta, waxaa loogu magac daray maalinta caalamiga ah ee wacyi galinta xanuunka Autisam-ka oo si kale loo dhihi karo xannuunka Kalinnimada.
Maalintan ayaa la asteeyay sannadkii 2008-dii si loogu dhiira geliyo dowladaha xubnaha ka ah QM inay qaadaan tallaabooyin ku saabsan baraarugga Autisam-ka si bulshooyinka kaalin uga qaataan siinta daryeel dhammeystiran dadka la nool. Sannadkan waxaa hal-ku-dheg loo qaatay “ ku caawinta tiknooloojiyadda dadka qaba xannuunkan.”
Somaaliya waxay kamid tahay meelaha uu ka jiro xannuunkan haddana aysan helin daryeel caafimaad dhibanayaashiisa.