Himilo- Addoomeysiga ma ahan keliya taariikhi. Ma uusan dhammaan qarnigii 19aad , balse waxa uu isku beddelay habab kale wuuna sii socday. Dad ka badan 40 milyan oo ruux ayaa dhibbanayaal u ah addoomeysiga casriga ah.
Sida uu xaqiijiyay ururka shaqaalaha adduunka ee ILO. Inkastoo addoomeyiga hadda uusan ku qeexneyn sharciyada, haddana jiridiisa waxaa laga garowsadaa ficillada dhiig-meeradka ee dadka lagula kaco.
Addoomeysiga hadda waxa uu noqday ganacsi wayn. Shirkadaha gaarka loo leeyahay 150 bilyan faa’iido lagu qiyaasay ayay ka helaan wax soo saarka shaqaalaha la qasbo. Dadka dersa ayaa qaba in kan hadda jira uu ka macaash badan yahay addoomeysigii qarniyadii 18-19aad.
Ku dhawaad 10 milyan oo ku nool Afrika ayaa la xusay inay addoonsi ku jiraan. Mid ka mid ah labadii boqol ee qof ayaa ku jira jira xaaladdan. Mid ka mid ah afartii carruurta uu dhibbane u yahay addoonsiga dadban.
Maalinta caalamiga ee dhammeynta addoomeyiga ayaa la xusaa sannad kasta si layskula garwaaqsado muhiimada ay leedahay ciribtirka qaababka addoonsiga casriga ah oo ay ku jiraan ka ganacsiga dadka.
Hindisaha maalintan waxaa lahaa golaha guud ee qaramada midoobay, waxay soo martay heerar kala duwan. 2 December sannadki 1949 ayaa si horu dhac ah loo qaaday balse 2004-tii ayaa laysla qaatay in loo istaago dabar goynta noocyada addoomeysiga ee hadda jira.
Inta lagu guda jiro xuska, dad badan ayaa fursad u hela inay dunida la wadaagaan gabayo, farshaxanno iyo maqaallo dhammaan ay kaga hadlayaan taariikhda ka ganacsiga dadka, isbeddeladii soo maray, iyo heerka maanta uu marayo. Qaar ka mid ah Hoggaamiyaasha caalamka ayaa ka qeyb gala xuska iyagoo dunida u bandhiga aragtooda ku aadan idleynta addooniga.