Home / Macluumaad / Biya-dhaca marka ardayda la cadaadiyo

Biya-dhaca marka ardayda la cadaadiyo

Himilo – Goobaha loo wax-barasho tago ee ka qeyb qaata korriimaha garaadka sida dugsiyada, jaamacadaha iyo iskuulada marka la joogo qaarkood ardayda dhigta kuma dhiirradaan inay soo jeedin sameeyaan, sababtoo ah waxay ka baqayaan inay ciqaab ku mutaan!. Tani waxay gogol-xaar u noqoneysaa in xuquuqdooda la duudsiyo, dabadeedna natiijada ka dhalata ka sokow xadgudubka waxay isugu hooreysaa inuu xumaado xiriirka ka dhaxeeya inta isku jabadka ah, macallinka, ardayga iyo maamulka sare. Kolka sidan ay dhacdo waxaa imaanaya is-maandhaaf keena ciil-qab sii jira muddo dheer! Kaas oo kala dhantaali kara saaxiibtinimada dadweynaha.

Xarumaha wax-barashada in tacliin loo doonto waxaa dheer inay udub u yihiin isku xirnaanta bulsho waynta, waxay kulmiyaan dad kala duwan, ka soo toosay ama ka soo baqoolay guryo ay joogaan dad kala heer ah dhan kasta dhaqaale, dhaqan iyo aqoonba. Si kooban goobaha wax-barashada waxaa ka abuurma bulsho is jecel haddii laga shaqeeyo! Ku darso waxay ka mid yihiin meelaha laga kasbado saaxiibayaal kugu dhaw! Adiga uun bal dib u fiiri asxaabtaada waxaan hubaa in kuwa laabtaada ku dhigan badankood aad isku barateen hoy wax-barasho kuu ahaadaba. Bal ka waran haddii aysan ardayga iyo inta ku xeeran marka la joogo dugsiga, jaamacadda ama iskuulka uusan ka dhaxayn xiriir wanaagsan, iska war-qabkooda mustaqbalka muxuu noqon kara mid xiiso iyo farxadi ku dheehan tahay mise ?

Inuu xumaado xiriirka saddex geeslaha, marka koobaad iyo marka labaad waxaa loo tiirin karaa hoggaanka goobta wax barasho, sababtoo ah waxa uu masuul ka yahay isku dubbaridda hab-sami u socodka dhammaan hawlaha bilow ilaa dhammaad (halka ugu hooseysa iyo meesha ugu sarreysa jaranjarada shaqada) hadduusan si hoose ugu kuur-gelin dhaq-dhaqaaqa hawleed waxaa dhacaya wixii aan soo sheegnay ee ahaa inaysan isku furnaan baraha, ardayga iyo maamulkooda. Hogaamiyeyaasha qaarkood marka la joogo goobaha tacliinta waxay ku kacaan ama ay ku  bartaan amar ku taagleyn halkii ay muujin lahaayeen is-dhul-dhigid, go’aan qaadasho hufan marka la dhaqan gelinayo hawlaha maalinaha ah iyo tanaasul marka ay timaado in la kala roonaado.

Filasho intee le’eg ayaa laga qabi karaa inuu noqdo wax-gal arday ka soo aflaxay  xarun wax-barasho oo ay ka jirtay is-caburin? Maxaase laga fili karaa isaga haddii uu mustaqbalka noqdo hoggaamiye jagaday noqotaba?. Biya-dhaca arrintaa waa suura gal inaad si gaar ah u dareentay kaddib markii aad marag ka noqotay xaalad ka turjumeysa jirridda xaqiiqadaas. Waxaa kale oo laga yaabaa inaysan taasi kuu muuqan ama aadan weli hadda ka hor is weydiin ama aysan kugu soo dhicin. Sida aan qabo khaladaad ka jira goobaha wax-barashada waxay kaalin mug leh ka yihiin mushkiladaha haysta bulshooyinka caalamka ee aan ka midka nahay. Way fiican tahay in ardayda la hago shuruuc loo sameeyo si aysan  u dhicin nadaam xumo, hase ahaatee doodaydu waxay tahay keliya in ardayda aan aad loo cadaadin oo aan la gaarsiin heer aysan ku dhiiran soo jeedin ay ku sheegi karaan danadaha  u gaarka ah ama caqabad haysata.

Sannad kasta malaayiin arday ayaa ka hara wax-barashada. Warbixin sanadeed soo baxday intii u dhaxaysay 2014 iyo 2015 ayaa lagu faah-faahiyey qaddiyadan, India sannad wax-barasheedkaas waxaa  iskuullada hoose  ka haray 4.34%, kuwa sare tirada ka baxday waxa lagu sheegay 17.86 %, xogtu waxa ay muujisay in dhibaatadu tahay mid aan ku ekeyn dal gaar ah. asbaabta tacliin seegidda baday da’yartan qaar way ka siman yihiin waddamadu kuwana kama sinna, isku geyn waa dib u dhac kuwaba si ula dagaya mustaqbalkooda dambe ee noloshada. waxyaabaha keena ka haridda ardayda ee wax-barshada waxaa horseeda arrimo isa suran oo ay mid tahay in cadaadis la saaro , waxayse ugu daran tahay markay is biirsadaan caburin iyo rabshado. Natiijada ka dhalata wada dhicidooda waa inay wax-barasho waayaan hoggaamiyaashii beri.

Ugu danbeyn, horseed ha u noqon amar ku taagleyn iyo inuu wax-barashada ka haro arday isagaba la kacaa-kufaya noloshiisa gaarka ah, iyadoo la dhawrayo nadaamka ayaa hawlaha loo wadi karaa hannaan wanaagsan oo aan laheyn is-caburin, waxaa fiican in la ilaaliyo xuquuqda baraha, ardayga iyo maamulkaba, iyadoo laga duulayo xeer loo siman yahay. Tan waxaa ka dhalanaya inay wada guuleystaan dhammaan dhinacyadaas waayuhu isku keeneen. Waxaan ku talinayaa in nadaam la yeesho lana raaco, balse waa inaan la hilmaamin raali wada ahaanshada, caadiskuna wax buu dilaa ee wax ma dhiso mana sii waaro.

Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed  Haaddi)

Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan