Himilo – Qeexid ahaan dib u heshiisiintu waa isku soo celinta labo qof iyo wixii ka badan ilaa heer dawladeed kuwaasi ku kala go’ay colaad ama khilaaf dhex maray. Dib u heshiisiintu waxay dib u abuurtaa kalsooni iyo saaxiibtinimo u billaabatada dhinacyada dilka iyo dhaca isku geysta ama bariidada ku kala baaday/isla baal maray. Dib u heshiisiintu waxay fure u tahay dib u soo kabashada habsaamidda ka timaada is maan dhaafka burburka iyo kala qoqobka nolosha sababa. Baahida dib u heshiisiinta waa mid ka jirta dalkeenna oo sanado la daalaa-dhacayay mushkilado colaadeed oo shaararka isku beddelayay. Dadkeennu waxay u harraad qabaan dib u heshiisiin dhab ah si barbarkooda uga beegsadaan geedi-socodka harumarka umadaha dunida. Maxay u baahan tahay dibu heshiisiintu?
Dhaqaale
Hawl kasta oo la qabanayo sida jogto caadaleyda ah waxay u baahan tahay dhaqaale lagu geeddi geliyo, lagu furdaamiyo culeysyada imaan kara. Sidaas darteed, dib u heshiisiinta oo u baahan in geedo badan loo fariisto, la isku keeno dhinacyo is weji diidaya waxaa lagama maarmaan noqoneysa in loo helo miisaaniyadda u gaar ah. Nasiib darro se Soomaalida ma siiyaan ahmiyad weyn, nabaddoono fara maran ayaa iskood marar isugu taagga kadibna u hakada dhaqaale la’aan sida inay awoodi waayaan sahayda safarka. Si dib u heshiisiintu u miro dhasho waxaa laga huraan ah in dhaqaale dabooli kara baahida nabadeyn loo qoondeeyo sida hawsha kale.
Guddiyo
Markaad hesho dhaqaale hawsha lagu socod siiyo, tallaabada xigta waa in la helo dad awood iyo aqoonba u leh gudashadeeda. Dib u heshiisiintu sida shaqooyinka kale loogu xusho dad khibrad u leh waxay u baahan tahay xeel dheerayaal ehel u ah oo furfuri kara guntimada gun dhigga u ah tabashooyinka jira. Waxaa loo baahan yahay guddiyo ay ka dhex muuqdaan indheer garadka bulshada sida culimada, aqoonyahanada, madax-dhaqameedka, nabadoonada iyo cid kasta oo kaalin ku yeelan karta. Waxaa muhiim ah inay guddiyadaas noqdaan kuwo aragti fog leh oo dhayid iyo daaweyn ku sameyn kara boogaha dhibaatooyinka ka dhasha. Guddiyadu waa inay sal dhigga mushkiladaha dersaan si eex la’aan ah, shaqadooduna noqoto mid cad oo uusan gelin raad tuhun dhaliya.
Shirar
Mid ka mid ah meelaha ugu mudan dib u heshiisiinta waa in shirar dhab u heshiisiin ah loo qabto dadkii dahbta ahaa ee dhib kala gaaray ama uu ka dhex jiro. Marka aan hawsha sal hoose laga soo qorsheyn waxaa imaaneysa in la qabto shirar dib u heshiisiin tiro beel ah haddana aan laga sameyn wax harumar nabadeed ah, balse waxaa suurowda in la danqiyo nabarradii dahsoonaan ee dhibaatada kadib ay noqoto ka dar oo dibi dhal. Shirarka dib u heshiisiinta Soomaalideenna doc-faruur ayaa lagu sameeyaa taasi waxay soo dedejisaa inaysan xiddideysan geedihii curdunka ahaa ee nabadda loo bud dhigayay iyo wada noolaanshada. Waxaa muhiim ah in shirarka laga billaabo heer hoose jilib-jilib ilaa heer maamul. Oodi siday u kala korreyso ayaa loo kala qaadaa oraahdan waxay marag tahay in wax kasta ay leeyihiin kala horreyn sees looga dhigo si loogu guuleysto helidda maaxdeeda.
Shuruuc
Marka nabadda loo udubbo aaso waxaa lama dhaafaan noqoneysa in loo sameeyo xeerar iyo shuruuc looga dan leeyahay ilaalinta nabadda si bulshadu ay ugu noolaato baraare iyo cabsi la’aan. Tallaabadan waxay sahleysaa helidda qoddobo lagu ciqaabi karo qof kasta oo xad-gudub ku sameeya arrimihii lagu heshiiyay. Waxaa muhiim ah inay xeerarka ilaalinta ay noqdaan kuwo aad loo turxaan bixiyay oo aan cid gaar ah xaqooda duudsiyeynin ama aan keeni Karin mushkilado hor leh oo dadka sii kala geyn kara. Waa in shuruucda nabad dhowridda ay noqdaan kuwo indha bulshada ay wada meel mariyeen oggolna ku wada yihiin. Waa inuusan mugdi ku jirin qoddobada ayna leeyihiin fulin iyo cid looga danbeeyo.
Is-cafin
Ugu dambeyn waxaan mudan in hawlasha lagu xoojiyo is-cafin guud iyo gaar ahaaneed oo loo sameeyo dadkii dhibku kala gaaray.