Himilo – Masiibada oo ah wax alle laga magan galo, ayaa lagu micneeyaa dhacdo si lama filaan ah u dhacda, taasoo carqaladeeysa habsami socodka noloshada bulsho.
Waxey sababtaa khasaare baahsan oo nafeed, mid maal iyo ku soo gaara degaanka, kaas oo daciifiya awoodda bulshada si ay kusoo kabsan karto markiiba.
Inkastoo ay tahay masiibadu mid wada gaarta Aadanaha iyo deegaanka uu u noolyahay, hadana waxa ay leedahay afar nooc mid ka dhacda lakabka hoose ee dhulka sida Foolkanaada, tu ka dhacda oogada sare ee dhulka sida Daadadka, mid cimilada la xiriirta oo tusaale looga dhigi karo abaarta iyo mid tiknoolojiyaddu sababto sida dagaalada sokeeye amaba shisheeye.
Marka loo eego qeexidda IMF waxaa magaca masiibo qaadan kara kaliya dhacdada dhaawac xoogan gaarsiisa ilaha dhaqaale ee dal uu leeyahay, taasoo ay adag tahay in dowladuhu wax ka qabtaan marka loo eego culeyskeeda.
Qaar kamid ah masiibooyinkii dabiiciga ahaa ee dunida soo maray walina la xusuusto waxaa kamid ah Dhul-gariirkii magaalada Xalab ee Siiriya ee dhacay Oct. 11, 1138.
Waxaa saameyntiisa wada gaartay dalal dhowr ah oo ku yaala qaarada Aasiya iyo Africa, waxaana ku geeriyooday ku dhawaad 230,000 oo ruux, inkastoo tirkoobkaasi mar danbe la helay sida uu daabacay mareegta livescience.
Duufaantii Hindiya ku dhuftay sanadkii 1839-kii, ku dhawaad 300,000-ruux ayaa ku geeriyootay halka ay burburiysay 20-kun oo doonyo iyo maraakiib-ba leh.
Daadkii ku dhuftay bartamaha Shiinaha sanadkii 1931-kii, kaas oo noqday masiibadii dabiici ah tii ugu dhimashada badneed ee soo marta taariikhda dunida.
Roob da’ay iyo wabiyo fatahay ayaa xaaqay dhul lagu qiyaasay 180,000KM2, deegaanadaasi oo isku rogay balliyo ay biyo fadhiyaan.
Sida ay sheegtay dowladda Shiinaha 2-milyan oo ruux ayaa ku geeriyooday daadkaasi, wallow tirada la gaarsiiyo 3.7-milyan.
Dalkeena dhibaatooyinka la xusuuso ee ka dhashay masiibooyinka waxaa ka mid ahaa abaartii dhacday 2010 socotayna illaa 2012-kii, sida qaramada midoobay ay sheegtay waxaa ku geeriyooday ugu badnaan 260,000 ruux oo badankood ay ahaayeen carruur iyo haween.
Si loo dhimo khatarada masiibooyinkaasi iyo kuwa la midka ah ayaa fadhigii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee dhacay sanadkii 1989-kii waxaa 13-ka Oktoobar loo asteeyay maalinta caalamiga ah ee yarenta khatarada ka dhasha masiibooyinka.
Muhiimadda maalintan ayaa ah in la dhiiri galiyo dhaqamada bushooyinka caalamka ee ku aadan dhimista khatarta masiibooyinka, waana fursad lagu ogaado horumarka laga sameeyay dhinacaasi.
Waxaa sidoo kale maalinta lagu tirtirsiiyaa dowladaha caalamka inay xoojiyaan ama abuuraan istaraatiijiyo/tabo lagu dhimayo khatarta ka dhalan karta masiibada, ha ahaato mid dabiici ah maba tu loo aaneeynayo isticmaalka qaldan ee aadaanahu adeegsado dhulka.
Waxaa sanadkan la qaatay hal ku dhagga ah “Iskaashiga caalamiga ah ee dalalka soo koraya si loo yareeyo khatarta musiibada iyo khasaaraha musiibada”.
W/Q: Sacdiya Nuur Ciid