Himilo – Warbixin cusub oo kasoo baxday Xarunta Dabagalka Barakaca Gudaha (IDMC) ee hoos tagta Guddiga Qaxootiga Norwegian Refugee Council ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka ku barakacay gudaha dalalkooda ay gaartay 83.4 milyan dhammaadkii 2024, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee abid la diiwaan geliyo.
Sida lagu xusay warbixinta sannadlaha ah ee Global Report on Internal Displacement 2025, tiradaasi ayaa labanlaabantay tan iyo 2018, iyadoo u dhiganta tirada guud ee dadka ku nool dalka Jarmalka. Waxaa la tilmaamay in ku dhowaad 90% barakacaasi uu sababay dagaallo iyo rabshado, taasoo saameysay 73.5 milyan oo qof.
Dalka Suudaan ayaa noqday waddanka ugu badan ee dadkiisu gudaha ku barakaceen, iyadoo tiradoodu gaartay 11.6 milyan oo qof – ku dhowaad 60% tirada guud ee barakaca caalamka. Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in inta badan shacabka Gaza Strip ay weli ku sugan yihiin xaalad barakac gudaha ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in musiibooyinka dabiiciga ah ay sababeen 45.8 milyan oo barakac gudaha ah sannadkii 2024, taasoo ah tii ugu badnayd tan iyo markii la bilaabay tirakoobka sannadkii 2008. Dalka Mareykanka ayaa laga diiwaangeliyay 11 milyan oo barakac la xiriira musiibooyinka, waxaana warbixintu xustay in 99.5% barakacyadaasi ay sabab u ahaayeen dhacdooyin la xiriira isbedelka cimilada sida duufaannada iyo fatahaadaha.
Agaasimaha IDMC, Alexandra Bilak, ayaa sheegtay in barakacu uusan ahayn oo kaliya xaalad bani’aadannimo balse uu sidoo kale yahay dhibaato siyaasadeed iyo horumarineed oo u baahan fiiro dheeraad ah. Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaxootiga Norwegian Refugee Council, Jan Egeland, ayaa ku tilmaamay la’aanta rabitaan siyaasadeed iyo maalgelin ku filan mid uu ugu yeeray “ceeb bani’aadannimo.”
Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa iyaduna sheegtay in tiradan ay tahay “digniin cad” oo la xiriirta baahida loo qabo tallaabo mideysan iyo qorshayaal hore loogu sii diyaargaroobo barakaca.
Warbixinta ayaa ugu dambayn xustay in saddex-meelood laba meel dadka dagaallada ku barakacay ay ku nool yihiin dalal si daran ugu nugul isbedelka cimilada, iyadoo tirada dalalka ay wajahaan labadaba dagaal iyo musiibooyin dabiici ah ay saddex-laabatay tan iyo 2009.