Himilo – Labo arday oo wax ka barta jaamacadda Harvard ayaa sameeyay mareeg (website) ay ugu tala galeen in lagu caawiyo qaxootiga reer Ukraine ee qaxay.
Mareegtan ayaa loo nashqadeeyay inay isku xirto dadka ka soo qaxay waddanka Ukraine iyo dadka doonaya inay marti galiyaan ama ay kaalmeeyaan.
Avi Schiffmann oo19 jir ah iyo saaxiibkii Marco Burstein oo 18 jir ah ayaa toddobaad gudihii ku sameeyeen mareegta samafalka eeTakeShelter.com.
Dadka reer Ukraine ee dalkooda ka soo qaxay boggan wuxuu u salhayaan inay ka heli karaan macluumaadka magaalooyinka ugu dhaw ee loogu diyaariyay marti soorka.
Aasaasayaasha ayaa sheegay inaysan saddex habeen hurdin oo ay ku jireen hawsha dhismaha mareegta kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine.