Home / Cayaaro / Arsenal oo Chelsea kaga horreysa la saxiixashada Mateo Kovacic

Arsenal oo Chelsea kaga horreysa la saxiixashada Mateo Kovacic

Himilo FM –Arsenal ayaa u muuqata inay ka horreyso Chelsea tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Mateo Kovacic.

Blues ayaa heshiis ammaah ah kula soo wareegtay Kovacic xagaagii hore, Maurizio Sarri ayay u badan tahay in uu sii ilaashado saxiixa xiddiga heerka caalami ee Croatia haddii uu sii joogayo Stamford Bridge.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Ladbrokes, Arsenal ayaa ugu cad cad inay heshiis la gaarto Kovacic ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka soo aadan. Arsenal ayaa dooneyso in ay ku beddesho Aaron Ramsey.

Kovacic ayaa weli heystaa labo sanno oo kaga hartay qandaraaskiisa Real, laakiin soo laabashada Zinedine Zidane ayay u badan tahay in uu u horseedi doono kooxda reer Spain inay raadiso lacag kaash oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan