Himilo – Bayern Munich waxa ay xiiseeneysaa Barcelona khadkeeda dhexe Frenkie de Jong inkasta oo ay u badan tahay inaysan Barcelona aqbali doonin iibinta laacibkan.
Kooxda hanatay horyaalka Germany ayaa isu diyaarineysa in ay ku qarash garreyso adeegga 23 sanno jirkaan qiimo dhan £70milyan kaasi oo bartilmaameed u ahaa xilligii uu joogay naadiga Ajax.
Si kastaba, sida ay ku warrameyso ESPN, Barcelona oo u baahan lacago kaash ah ayaan aqbali doonin dalab waliba oo kaga yimaada kooxda ku guuleysatay tartanka Champions League, xittaa waxay diidi doonaan in ay la galaan wadahadal ku aadan xiddiga.
Radio Himilo
