Himilo – Yusaku Maezawa oo ah bilyaneer ka soo jeeda Japan wuxuu raadinayaa siddeed ruux oo uu doonayo inay ku wehliyaan safar uu ku tagayo Dayaxa.
45 jirkan muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twtiter-ka ayuu ku sheegay inuusan shuruud gaar ah ku xireynin dadka uu doonayo inay la safraan.
“Waxaan kugu casuumayaa inaad igula soo biirto socdaalka. Dhammaan kuraasta way gadan yihiin.” Sidaa ayuu ku sheegtay muuqaalkiisa.
Bilyaneerka ayaa sidoo kale la wadaagay dadweynaha lifaaq laga heli karo macluumaad dheeraad ah oo tilmaamaya sida loo codsan karo socdaalkan oo daneeyaasha ay iska diiwana gelin karaan 14 March.
Sida qorshaha uu yahay waxaa la bixi doonaa 2023, waxaa la qaadi doonaa 10 ilaa 12 qof oo siddeed ay ka imaan doonaan dadweynaha kuwaas oo si lacag la’aan ah lagu qaadi doono.