Himilo-Maalmihii xukunka qoyska Al-Assad ee Suuriya maamulayay in ka badan 50 sano ayaa soo dhamaadey kadib markii madaxwaynihii ugu dambeeyay Bishaar uu u cararay Imaaraadka markii mucaaradka hubeysan ay qabsadeen magaaladda caasimada ah ee Dimishiq.
Bashaar Al-asad waxa uu xukunka ka dhaxlay Aabihiis Xafiz Al-Asad oo ahaa ninka awooda badan lahaa ee ka talinayay Syria 1971 ilaa uu geeriyooday June 2000.
Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya ee ka soo horjeeday maamulka Bashar Al-asad oo inta badan gacanta ku haye waqooyi-galeed ee Suuriya ayaa si lama filaan ah u bilaabay duulaan 27 Nevember. Intaa wixii kadambeeye maalinba maalinta kadambeyso waxay qabsanayeen magaalooyin-ka dalkaas ilaa caasimada Dimishiq ay yimaadaan.
14 sano oo ay ku haminayeen inay bishar al-asad xukunka ka tuuraan ayaa u suuragashay
Bashar al-Assad ayaa ka cararay dalka uu xukumayay, isaga ka tagay uurkutaalo iyo dhibaatooyin badan oo uu geystay tobannaan sano oo qoyskiisu awoodda hayay.
Hadda wuxuu ka mid noqon doonaa 13-ka milyan ee Suuriyaan-ka ah ee guryahooda laga barakiciyay, oo lagu khasbay inay meel kale magangalyo ka raadsadaan si ay u noolaadaan.
Balse su’aasho waxay tahay, Ma xuuyahay dhaxalka uu ka tagayo dalkiisa Bishar?
Waa dhalinyaro mudaaharaadeysay oo la laaye, weeraro kiimiko oo dad shacabka ah lagu baabi’iye, kuwo lawaaye iyo kuwo xabsi la dhaigay, malaayiin dhaawacmay iyo maaliin-kale oo barakacay.
Bashar al-Asad dhaqtarkii indhaha ee iskubaday hogaamiye mayal adag waxa uu kabadbaaday kacdoonkii Gu’gii Carabta balse mirihii ka dhashay ayaa daadka qaadsiiye
Waxaa awoodda ku sii haystay taageerada Ruushka ee duqeynta cirka iyo Iiraan oo ciidan dhulka ah ku taageertay.
Balse markan xulafadiisa ayaa awood u waaye inay taageeraan sabab laxariirto umuurahooda gaarka ah
Hada caalam-ku waxa uu isha ku hayaa dowlada cusub ee Suuriya ka dhismeysa iyadoo gobol iyo caalamku ay sugayaan si ay u arkaan saamaynta ka dhalata kacdoonkan muddo dheer lala halgamayay.