Himilo – Weeraryahanka PSG Edinson Cavani ayaa lagu soo waramayaa in uu tijaabada caafimaad u maray kooxda Atletico Madrid.
Iyada oo heshiiska cayaaryahanka uu ka harsan yahay muddo lix billood ah, Cavani ayaa loo oggolaaday in uu wadahadallo la furi karo kooxo badan si uu uga tago PSG xilli danbe oo sannadkan ah.
Inkasta oo PSG ay dooneyso inay ceshato laacibka dalka Uruguay haddana waxaa la soo warinayaa in 32 jirka uu daneynayo ka tegista Parc des Princes sida ugu dhaqsiyaha badan.
Marka laga yimaado xiisaha kooxaha horyaalka Ingiriiska ay u qabaan Cayaaryahanka haddana AS ayaa xaqiijineysa in Cavani uu caafimaadka u maray Atletico.
Kooxda tababare Diego Simeone ayaa ku dhibtooday inay dhaliso goolal badan dhammaan xilli cayaareedyada, taasi oo keentay inay lacag ku bixiyaan laacibka PSG halkii ay ka sugi lahaayeen heshiis ammaah ah oo ay ku soo qaataan.