Himilo-Ceeryaamo aan caadi ahayn oo ka jirtay magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa khasabtay in mas’uuliyiinta dalkaas ay xiraan dhamaan iskuulaadka hoose muddo todobaad ah.
Laga bilaabo Isniinta, 50% shaqaalaha dowlada waxay ku shaqayn doonaan guryahooda, Tallaabooyinka kale waxaa ka mid ah mamnuucida baabuurta yar yar iyo dadka wadooyinka hareerahooda ku iibiya raashiin-ka.
“Ceeryaamadan aad bay halis ugu tahay carruurta; waa in qasab looga dhigaa xirashada Maaska iskuulaadka,” ayay tiri Wasiirka tacliinta sare ee Pakistan, Marriyum Aurangzeb.
Lahore, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Pakistan, ayaa Axadii markale noqotay magaalada ugu hawada wasakhda badan caalamka.
Heerka wasaqowga magaalada ayaa dhaaftay 1,000 maalintii Sabtida, taasoo aad uga sarraysa 300, oo ah heerka ay WHO u aragto mid “halis ah,” sida ay tilmaamayaan xogta IQAir oo ah hay’adda cabirta wasaqowga hawada.
Heerka walxaha yar yar ee hawada ku jira, kuwaas oo ah kuwa ugu waxyeelada badan caafimaadka, ayaa sidoo kale sare u kacay ilaa heer aad u halis ah.
Raja Jehangir Anwar, oo ah sarkaal sare oo deegaanka ah, ayaa sheegay in “dhibaatada ugu weyn” ee keentay ceeryaantan ay tahay qaacada ka dhasha marka lagubo haraaga dalagga, oo ka dhaca dhinaca xadka Hindiya. Waxa uu sheegay in qiica ka dhashay ay dabaylo xoogan u leexiyeen dalkan Pakistan.
Dowladdu waxay ku boorrinaysaa dadka inay ku sugnaadaan guryadooda oo ay iska ilaaliyaan safarada aan muhiimka ahayn. Gaadiid dowladu ay leedahay ayaa bilow hawada u seyrinaya si loo yareeyo heerka ceeryaanta. Shaqooyinka dhismaha qaar ka mid ah goobaha ayaa la hakiyay.
Xaaladda waxaa dib loo qiimeyn doonaa maalinta Sabtida ee soo socota si loo go’aamiyo in iskuulaadka ay sii xirnaanayaan iyo in kale.
In bini’aadanku uu qaato hawo wasakheysan waxay leedahay dhibaatooyin caafimaad oo halis ah, oo ay ka mid yihiin wadno xanuun, kansarka sambabada iyo xanuunada neef-mareenka sida ay sheegtay WHO.