Home / Cayaaro / Chelsea oo dooneysa weeraryahan katirsan Lyon

Chelsea oo dooneysa weeraryahan katirsan Lyon

Himilo – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u weecatay saxiixa weeraryahanka kooxda Lyon Moussa Dembele kaddib markii ay ku guuldareysatay dadaalka ay ugu jirtay hanashada Timo Werner.

23 jirka ayaa si weyn loola xiriiriyay u dhaqaaqista horyaalka Ingiriiska toddobaadyadii ugu danbeeyay xilli Chelsea iyo Manchester United la tilmaamay inay xiiseynayaan.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Chelsea ayaa u aragta Dembele bartilmaameedkooda koowaad. Warbixinnada ayaa intaa raacinaya in tababaraha Chelsea Frank Lampard uu daneynayo xoojinta weerarkiisa xilli uu dhaawac yahay Tammy islamarkaana aan la hubin mustaqbalka Olivier Giroud.

 Dembele ayaa dhaliyay 16 gool 27 kulan oo uu u saftay Lyon xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan