Himilo – Kulan ciyaareedkii dhex mari lahaa Arsenal iyo Liverpool ee ku jadwaleysnaa khamiista berri ah ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira ciyaartow hor leh oo uu COVID-19 kaga dhacay Liverpool.
Naadiga Reds ayaa si ku meel gaar ah u xirtay maanta xarunteeda tababarka kadib markii caawiyaha tababaraha kooxda Pep Lijnders baaris kadib laga helay Cudurka Karoona.
Jurgen Klopp macalinka Liverpool wuxuu COVID laga helay darteed uga maqnaa ciyaartii Premier League ee ay kooxdiisu barbaraha la gashay Chelsea.
Ciyaarta Semi-final ee EFL Cup ee ka baaqatay Arsenal iyo Liverpool ayaa lagu wadaa in lagu jadwaleeyo 13 bishan January, halka lugta xigta ay u safri doonto Emirates Stadium.