Himilo FM –Cristiano Ronaldo ayaa la soo warinayaa inuu xiiseynayo inuu ku biiro xiddiga reer Portugal Nelson Semedo Juventus xagaagan.
Labada nin ayaa ka caawiyay xulkooda inay ku guuleystaan UEFA Nations League oo ay 1-0 kaga badiyeen Holland habeenkii Axadda.
Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Ronaldo uu doonayo inuu noqdo ciyaaryahan joogta ah oo ka garab ciyaara Semedo, kaasoo labadii sanno ee ugu danbeysay ku qaatay Barcelona.
Sida laga soo xigtay wargeysyada Spain, 34 jirkan ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Serie A daafaca middig billaha soo socda.
Laacibka kale ee ay isku xulka yihiin ee Joao Cancelo ayaa laga yaabaa inuu ka tago kooxda ka dhisan Turin.
Warbixinta ayaa sheegaysa in kooxaha sida Manchester United, Arsenal, Atletico Madrid iyo Inter Milan inay xiiseynayaan 25 jirkan daafaca middig ee Joao Cancelo.
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ku iibineyso keliya Semedo haddii ay helayaan dalab 50m oo Euro oo u dhiganta £ 44.46m oo Ganni.