Himilo – Dawladda Denmark ayaa ku hawlan qorshe ay ku mamnuucayso in nooc walba oo sigaar ah laga iibiyo qof kasta oo dhashay kadib 2010.
Wasaaradda caafimaadka Denmark ayaa sheegtay in siyaasaddan cusub ee ka dhanka ah sigaarka ay badbaado u tahay jiilka soo socda.
Tirada dadka adeegsada sigaarka ayaa kordhaysay sanadihii tagay gudaha Denmark, dawladda ayaa ku rajo weyn inu sharcigan isbeddel keeno.
Wasaaradda ayaa sheegtay inuu sigaarku sababo cudurka Kansarka. Sanad kasta waxaa u dhinta dadka kor u dhaafaya 13,000.