Home / Cayaaro / Fabregas “Qorshaha Messi waa in uu xirfaddiisa ku dhammeysto Barcelona.”

Fabregas “Qorshaha Messi waa in uu xirfaddiisa ku dhammeysto Barcelona.”

Himilo – Cesc Fabregas ayaa sheegay in uu kalsooni badan ku qabo in Lionel Messi uu xirfaddiisa ku dhammeysan doono garoonka Camp Nou.

Messi ayaa 16 xilli cayaareed ku qaatay kooxda koowaad ee Barcelona isaga oo ku guuleystay 34 koob.

Si kasta, khilaaf dhawaan dhaxmaray laacibka reer Argentine iyo maamulka Barcelona ayaa dhaliyay wararka ku saabsan in cayaaryahanka uu ka tagi karo kooxda iyada oo Inter Milan la tilmaamay inay qiimeynayso xaaladda.

Fabregas ayaysan u sawirneyn in Messi u cayaari karo koox kale isaga oo yiri “Waan la hadlay Messi, aragtidiisa waxay tahay in uu xirfaddiisa ku dhammeysto Barcelona.”

Waxa uu intaa raaciyay ” Wax badan ayaa dhici kara, laakiin waan ku kalsoonahay in xirfaddiisa ay ku soo dhammaan doonto Barcelona.”

Fabregas oo ka soo baxay akaadeemiyadda La Masia ayaa hadda u cayaara kooxda Ligue 1 ee Monaco.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan