Xiriirka Kubadda Cagta Addunka ee FIFA ayaa dalka Indoneisa kala laabtay marti gelinta koobka Adduunka ee ciyaartoyda da’doodu tahay 20 jirrada.
Arrinkan ayaa timi kaddib markii ay Dowladda Indonesia diidday in ay marki geliso ciyaartooyda ka socda Israel maaddaama aysan Indonesia u aqoonsaneyn dal Israel.
Indonesia ayaa ka soo horjeedda jiritaanka Israel waxaana ay u dooddaa Falastiin, iyada oo dhowr jeer ku baaqday in Isarel ka baxdo dhulka Reer Falastiin ee ay xoogga ku heysato.
2019kii ayey Indoneisa ku guuleysatay marti gelinta koobka Kubadda Cagta Adduunka ee ciyaartooyda ka yar 20 jirrada Caalamka.
Qorshaha ayaa ahaa in koobkaas uu ka socdo Jaziiradda Bali ee Indonesia inta u dhaxeysa 20ka Mat ilaa 11ka June 2023 lamana sdheegin halka loo wareejinayo.
FIFA ayaa hadda raadineysa Waddankii marti gelin lahaa 24ka Waddan ee ka qeybgalaya tartankan iyada oo ay ku jirto Israel,walina lama helin ciddii beddeli lahayd Indonesia.