Home / Cayaaro / Gueye: Maxaa sababay inuu seego kulankii Montpellier FC?

Gueye: Maxaa sababay inuu seego kulankii Montpellier FC?

Himilo – Ciyaariyahanka muslimka ah ee qadka dhexe kaga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain Idrissa Gueye ayaa seegay kulankii kooxdiisu la lahayd Montpellier sabtigii.

Xidiggan ayaa la arkayay isaga oo ciyaarta daawanaya tarabuunka, taasi oo dhalisay in su’aal la iska weydiiyo sababtuu uu tababaraha ugu reebay shaxda.

Kaddib markii ay ciyaartu soo idlaatay ayey la weydiiyay sababta uu Idrissa Gueye kaga reebay kulanka, waxa uu na sheegay in xidiggu caafimaad qabo balse ay jiraan sababo shaqsiyadeed.

New York Times oo soo xiganeysa ilo xagga kooxda ah, ayaa daabacday in Gueye uu iska diiday xirashada funaanad uu ku buufsanaa midabka qaansa-roobaadka ee astaanta u ah qolyaha isku jinsiga ah ee is guursada, sabataasina uu ku seegay kualnkii kooxdiisa ay la lahayd Montpellier FC.  Midabka ayaa si gaar ah loogu xardhay lambarka xidigga ee ku buufsan dhabarka funaanadda.

Ciyaariyahankan muslimka oo sidoo kale seegay kulankii kan la midka ahaa ee xilli-ciyaareedkii hore, weli kama uusan hadal sheekadan. Balse kooxaha u dooda dadkaasi ayaa ka dalbaday xiriirka kubadda cagta Faransiiska iyo kooxda Paris Saint-Germain in ciyaariyahanka lagu ciqaabo go’aanka uu u dhaqaaqay.

Marka laga yimaado kuwa dhaleeceynaya waxaa jira dad is garab taagay  Idrissa Gueye, waxaa ka mid ah madaxweynaha dalka uu kasoo jeedo ee Senegal mudane Macky Sall oo taageeray go’aankiisa.

Qoraal koobnaa uu soo dhigay bartiisa Twitter ayaa u dhignaa “Waan taageerayaa Idrissa Gana Gueye diinta uu rumeysan yahay na waxaa qasab ah in la tixgaliyo.”

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan
preload imagepreload image