Himilo – Dunida maanta howl kasta waxaa udub dhexaad u ah adeegsiga teknoolajiyadda, taas oo fududeysay shaqo badan oo la qaban jiray. Adeggan wuxuu yahay in howlaha dawladdu ay bixiso loo adeegsado teknoolajiyadda, si adeegyada loogu fududeeyo dadweynaha, loona kordhiyo dakhliga dawladda iyadoo la adeegsanayo aaladaha isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda.
Xukuumad Danabeedka waa adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah – kaasi oo fududeynaya isku xirka qeybaha bulshada.
Xukuumad danabeedka (E-government) waxa ay ka soo if baxday dowladaha soo koraya iyo kuwa horumarayba iyada oo uu ujeedka ahaa horumarinta adeegga dowladuhu ay bulshada u qabtaan, taas oo looga gudbayo adeegsiga warqadaha la is waydaarsado, si adeeg hufan loogu siiyo muwaadiniinta.
Xukuumad danabeedka waxaa lagu qeexi karaa cilmi ahaan in ay tahay xog tignooloji iyo xiriir dhabbe u ah gaaridda waxa loo yaqaano dowlad wanaag. Sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay waddada horumarka iyo kobaca waddamada.
Si loo yareeyo musuqa, sicir-bararka iyo aafada dhaqaale waa in diiradda la saaraa wax ku oolnnimada tallaabooyinka ay xukuumaduhu qadayaan iyo in laga dhigo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah arrin lama dhaafaan u ah xiriirka tooska ah ee muwaadinka iyo dowladuhu.
Sida la aaminsan yahay isticmaalidda eray bixintan markii ugu horreysay waxaa adeegsaday madaxweynihii hore ee Maraykanka “Bill Clinton” khudbad uu kaga hadlayay tignolojiyadda iyo isgaarsiinta.
Sannadkii 2002 hay’adda Qaramada Midoobay (QM) ayaa E-government” ku qeexday, “In adeegsiga internet-ka uu muhiim u yahay bulshada kaasi oo laga heli karo xogo dhammeys ah oo ay u baahan yihin muwaadiniinta”.
Ujeedka guud ee hannaankani waa sidii loo heli lahaa dhammaan adeegyada ay muwaadiniintu u baahan yihiin sida ugu sahlan uguna dhaqsiyaha badan.
Dhanka kale, marka laga eego arrintani waxa ay yarayn kartaa musuqa sida laaluushka iyo wax is daba marinta; sidoo kale waxa ay ka qeyb qaadanaysaa yaranyta saacadaha badan ee ku bixi lahaa shaqooyinka gacanta laga qabto halka uu muwaadinku ka helayo nasiino marka uu shaqooyinkiisa ku qabsado internetka gudihiisa.
Sida iska cad xukuumad danabeedka ayaa xilligan ka curtay waddamo isugu jira kuwa hormaray iyo kuwa soo koraya, iyada oo laga duulayo sidii adeeg elektaroonig ah oo hufan ay u heli lahaayeen muwaadiniintu.
Sidaas oo ay tahay waddamadu ayaa ku kala duwan aragtida aan kor ku xusay, waayo dowladaha horumaray waxay haystaan qalab aad u horumarsan halka dowladaha soo koraya aysan marxaladdan kula tartami Karin kuwa horumaray.
Tusaale: dalkeenna oo kamid ah dalalka soo koraya isla markaana 30-kii sano ee lasoo dhaafay aan helin awood dowladeed oo buuxda ayaa wajahaya caqabado fara badan oo ay kamid tahay faham la’aanta madaxda sare ee dalka ka heysata awoodda tiknoolajiyada, sidoo kale waxaa jira waxyaabo saameyn ku yeelan kara in uu nidaamkan dalku qaato sida kaabayaasha dhaqaale oo aan dhisneyn, deggenaan la’aanta siyaasadda, arrimaha bulshada, iyo maqnaanshiyaha kaarka aqoonsiga muwaadinka.
Fahamka Xukuumad danabeedka:
Adeeggan waxyaabaha uu fududeeyay waxa kamid ah in qofka uu heli karo isaga oo ku sugan hoygiisa ama goobtiisa shaqada adeegiisa dawladeed; keliyana uu internetka ka dalbanayo, taasi oo meesha ka saareysa wakhtigii badnaa ee lagu bixin jirey tegitaanka meelaha laga helo adeegyada ay bixiso dowladda, waxaa kale oo ay yareyneysaa musuqmaasuqa ama wax is-daba-marinta ka timaadda shaqaalaha dowladda.
Sidaas oo kale adeeggan waxaa dunida ka faa’iideysta jaamacado badan oo gaaraaya 2,800, iyo arday wax barashadooda ku dhameysta iyaga oo jooga guryohooda. Sidaas oo kalena waxaa ka faaii’deysta mashruucaan, dad badan oo suuqyada ganacsi ee elaktarooni ah ka shaqeysta, iyo bankiyo caalami ah oo elaktaroonik ah. Xukuumad danabeedka ah waxaa kale oo laga helaa, suuqgeyn (E-marketing) iyo waxbarasho elaktarooni (E-learning) ah. Middaasna waxa ay Muujineysaa adeegsiga tiknoolajiyada iyo sida leysugu dhaafsanaayo macluumaadka, ama looga wada xariirayo.

Ing.Cabdisataar Carabow Ibrahim.
Khabiir Arrimaha Tiknolojiyadda
Ing.Cabdisataar Carabow Ibrahim
Email: engineersom@hotmail.com