Home / Arrimaha Bulshada / Haweeney dhibbane u aheyd buro 47 Kilogram ah oo la saaray

Haweeney dhibbane u aheyd buro 47 Kilogram ah oo la saaray

Himilo – Haweeney 56 jir ah ayaa loo sameeyay qalliin naf badbaadin ah kadib markii  laga saaray buro culeyskeedu yahay 47 Kilogram. Waxaa loo diiwaan geliyay buradii ugu weyneyd India sida laga soo xigtay dhakhaatiirta qalliinka sameeyay.

Haweeneydan oo aan la magacaabin, waxaa la sheegay inay buradan dhibbane u aheyd 18 sano. Maqaarkeeda waxaa soo waxyeello xooggan.

Wiilkeeda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in burada hooyadii aysan markii hore weyneyn. Waxaa la ogaaday jiridda burada sannadkii 2004.

Qoyskeeda ayaa go’aansaday in la qalo balse dhakhaatiirta ayaa u sheegay inay dhibaato weyn ka imaan karto, sidaas ayaa sababtay in laga hakado.

Labadii sano ee tagtay cabbirka burada ayaa kordhay, waxaana ku sii kordhay xannuun joogto ah. Waxay awoodi wayday jiif iyo fadhi.

Talo kadib waxaa la go’aansaday in la qalo, siddeed dhakhtar ayaa isgu tagay hawsha, billowgii rajo weyn ma jirin balse waxaa lagu guuleystay in si nabad ah loo badbaadiyo haweeneyda.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan