Himilo – Dedaal, adkaysi, go’aan qaadasho iyo sabar, Islam Al-Juduuc oo u dhalatay Urdun oo soddon jir ah ayaa u suurtagashay inay shahaadada doctorate-ka ka qaadato Jaamacadda Urdun oo ay ku takhasustay waxbarashada gaarka ah, in kasta oo ay maqalka naafo ka tahay, haddana marna kama quusanin hadafkeeda.
Naafonimadu ma aysan ka horjoogsan doonisteeda oo waxay awooday in ay ka gudubto si ay u gaarto hadafkeeda iyo himiladeeda.
Dr. Al-Juduuc waa haweeneydii ugu horreysay ee u dhalatay dalka Urdun ee qaadatay shahaadadan iyadoo naafo ka ah maqalka, waxayna xaqiijisay inay doonayso inay ku guulaysato hammigeeda ku aaddan inay wax ka beddesho hab-dhaqanka iyo fikradaha la macaamilka dadka maqalka naafada ka ah.
Al-Juduuc waxay heerka dugsiga hoose iyo sare ku baratay dugsi gaar ah oo loogu talagalay dhagoolayaasha, oo qiyaastii 40 kiiloomitir u jira hoygeeda, waxaana safarkeeda ku wehlin jirtay walaasheed oo iyaduna naafo ka ah maqalka.
Guusheedii dugsiga sare waxay ahayd caqabadii ugu horreysay uguna waynayd nolosheeda, intaa kaddib waxay waxbarashada gaarka ah ka bilaawday jaamacada Urdun, dedaal iyo adkaysi ayay ku sii waday waxbarashadeeda.
Dadka naafada ah waxay la kulmaan caqabado kala duwan – ayay tiri Al-Jouda – oo ay ugu badan tahay aragtida bulshada ee dareensiisa in ay ka hooseeyaan, “nasiib darro, tani waxay ku riixdaa dad badan oo naafo ah inay go’doomaan oo ay ka fogaadaan dadka, iyo inay waxbarshada iyo shaqadaba diidaan.
Waxay tilmaamtay in hay’aduhu diidaan inay shaqaalaysiiyaan dadka maqalka naafada ka ah, oo ay kahor istaagaan inay helaan fursado shaqo oo la mid ah kuwa uu lixaadkoodu u dhammeystiray Eebbe, halka dadka naafada ahi ay leeyihiin awoodo kala duwan, sida inay kaxeeyaan baabuur iyo inay maamulaan shaqada oo ay qabtaan howlo sare, sida ay sheegtay Al-Juduuc.
In kasta oo ay hooyo u tahay laba carruur ah, haddana waxay awood u yeelatay in ay isku wado shaqada, waxbarashada jaamacadda iyo howsha guriga, waalidkeed, walaalaheed iyo Seygeeda waxay ka qayb qaateen guusha ay gaartay.
Al-Juduuc waxay guursatay nin ay qaraabo yihiin oo isna maqalka naafo ka ah, waxayna u dhashay laba carruur ah oo lixaadkoodu u dhanyahay, waxayna rajeynayaan mid saddexaad.
Al-Juduuc waxay tiri “Ninkayga waxa uu igu taageeray waxbarashada, waxa uu iga caawiyay daabacaadda iyo diyaarinta cilmi-baadhisyo aan sameynaayay, Waxa uu waqtigiisa ku bixiyay sidii aan u raadin lahaa buugaag iyo tixraacyo cilmiyeed iyo soo saarista waxa cilmi-baadhistu u baahan tahay, hooyadayna waxay iga caawisay daryeelka carruurta.”
Dadaalkeedaan mira dhalay wuxuu sidoo kale farriin wacyigelineed u dirayaa dadka naafada ah, taaas oo muujineysa in yoolkooda ay ka miro dhalin karaan iyaga oo aan waxba ka duwaneyn bulshooyinka ay la nool yihiin.