Himilo – Duqa magaalada Bandung ee dalka Indonesia ayaa shaaciyay in uu guuleystay ol-ole ujeedkiisu ahaa in carruurta dalkaasi looga weeciyo isticmaalka taleefanada caaqilka ah iyada oo shaqo looga dhigayo xannaaneynta diggaaga.
Oded Daniel ayaa billaabay ol-olaha xannaaneynta diggaaga bishii November ee tagtay. Ku dhawaad 2000 diggaag ayaa loo qeybiyay carruurta dugsiyada magaalada.
Mr Oded ayaa tilmaamay in carruurta dugsiyada koriyeen diggaag badan taasi oo ka dhigan in uu mira-dhalay qorshaha la qaatay.
Ma uusan caddeyn duqa magaalada haddii carruurta joojiyeen isticmaalka badan ee taleefanada caaqilka ah iyo inkale.
Goor sii horreysay, Oded ayaa sheegay in ol-olaha uusan keliya ardayda ka weecineyn taleefanada caaqilka ah balse uu ku dhiira gelinayo quudinta shimbiraha, jaceylkooda iyo inay qaadaan mas’uuliyad.
Radio Himilo
