Himilo – Madaxweynaha cusub ee Barcelona Joan Laporta ayaa dib u eegi doono xisaabaadka kooxda ka hor inta uusan la kulmin Lionel Messi si uu ugala hadlo mustaqbalka xiddiga reer Argentina.
Heshiiska haatan ee Messi ee Camp Nou ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, waxaana la sheegayaa in Manchester City ay ka go’an tahay inay keento Etihad Stadium ololaha 2021-22.
Weeraryahanka ayaa loo maleynayaa inuu haatan u furan yahay fikradda ah inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxda Ronald Koeman, in kastoo Laporta la sheegayo inuu wadahadallo ciriiri ah la yeelan doono xiddiga kooxda ka hor dhammaadka bisha.
Sida laga soo xigtay Marca, madaxweynaha cusub ayaa doonaya inuu dib u eego xisaabaadka dhibaatada leh ee Barca ka hor inta uusan la kulmin Messi iyo aabihiis wadahadalada qandaraaska.
South American-ka ayaa doonayo in kooxda reer Catalonia ay damaanad qaado inay ka howlgeli doonaan daaqadaha kala iibsiga ee soo socda maadaama uu kaliya doonayo inuu ballan qaado haddii kooxda ay awood u leedahay inay ku guuleysato koobab waa weyn.
Messi ayaa dhaliyay 25 gool isla markaana diiwaan galiyay 11 caawin 35 kulan oo uu saftay heer kooxeed xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan 19 ka mid ah 24 kulan oo La Liga ah, iyadoo kooxda Koeman ay haatan ku jirto kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka.