Weeraryahanka reer Masar ee kooxda Liverpool Maxamed Salax ayaa ku biiraya Kooxda Al Itixaad ee Waddanka Sucuudiga.
Tababaraha Liverpool Klop ayaa sheegay in uusan hor istaagi karin rabitaanka Ciyaaryahanka laakiin uu jeclaan lahaa in uu sii joogo Kooxda Liverpool.
Saalax ayaa sanadkii loo ballanqaaday $325Milyan taas oo ka dhigan in xitaa uu ka mushaar badanyahay Cristiano Ronaldo oo xagaagii la soo dhaafay ku biiray Kooxda Alnassar ee Dalka Sucuudiga.
Inta badan Ciyaartooyda caanka ah ee Europe ayaa labadii sano ee ugu dambeeyay ku qulqulayay horyaalka laga yaabanyahay ee Sucuudiga.