Himilo – Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in halyeeyga James Milner uu qarka u saaran yahay inuu saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogayo garoonka Anfield.
36-sano jirkaan ayaa dhif iyo naadir ah ku ahaa safka Klopp uu adeegsaday xilli ciyaareedkan, laakiin weli wuxuu saftay 23 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay seddex gool.
Milner ayaa lagu wadaa inuu noqdo xor dhamaadka xilli ciyaareedka 2021-22, waxaana jiray hubanti la’aan ku saabsan suurtagalnimada dib u cusbooneysiinta qandaraaskiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Klopp ayaa haatan xaqiijiyay inuu doonayo inuu sii joogo. Milner ayaa dhaliyay 26 gool, sidoo kale wuxuu caawiyay 44 gool oo kale 273 kulan oo uu u saftay Liverpool tartamada oo dhan laakiin waxa uu kaliya ku soo bilowday todobo kulan oo premier League ah xilli ciyaareedka 2021-22.